Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Kormeer ku Tegay Degmada Harasheekh

0
413

Daad-madheedha (Dawan)  – Kormeerkan ayay weftigu uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Daad-madheed Maxamed Diiriye Xayd, ayaa  soo indha indheeyay xaaladda abaareed iyo midda biyo la’aaneed ee ka taagan deegaannada hoostaga degmadaasi, waxaana ugu horrayn weftigu ay xog waraysteen dadka waayeelka ah ee degamadaasi, kuwaas oo iyana uga xaal waramay xaaladda ka taagaan deegaanka, iyagoo sheegay in nabaadkii deegaanka iyo biyihii kusii hadhsanaa baraaguhu ay gabaabsi ku jiraan, isla mar ahaantaana ay xaaladda sii culeysiyeen dad ay sheegeen inay soo guurto yihiin, kuwaasoo kasoo hayaamay deegaannada kale ee ay abaartu ka jirto.

Badhosaabka gobolka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xeyd oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dadka deegaanka sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen dadka soo guurtada ahaa ee ay abaartu soo barakicisay, isagoo tilmaamay inay gobannimo tahay in xaaladaha adag ee bulshadu is garab siiso, waxaana uu ugu baaqay bulshada kasoo jeedda deegaanka iyo hay’adaha samofalka in gurmad ay u fidiyaan dadka ay waxyeeleysay abaartu.

Geesta kale, waxa uu tilmaamay in maamul ahaan ay dedaali doonaan, isla mar ahaantaana ay kaalintooda ka qaadan doonaan gurmadka abaaraha ee degmada iyo guud ahaan gobolka Daadmadheedh.

 

Leave a Reply