Wasaaradda Maaliyadda oo Waxqabad kaga Jawaabtay eedo Hantidhowrku ku Sheegay

0
629

Qore: Maxamuud Walaaleeye

 

Hargeysa-(Danwan):- Agaasimaha Waaxda Adeegyadda Maamulka iyo Maamulka ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudane. Xasan Xaaji. Maxamuud Muxumed ayaa qorshaha waxqabad 2022 ee Waaxdiisa ku sheegay inay sii wadayaan hirgelinta talooyinkii Xafiiska Hantidhowrku u soo jeediyey sannadahii 2019 iyo 2020, ee la xidhiidhay natiijooyinka Hantidhowrka Miisaaniyadda Wasaarada Maaliyadda, taasoo meesha ka saaraysa eedo ku jiray xisaab-xidhka 2020 ee xildhibaanada Baarlamaanku ansixiyey oo xafiiska Hantidhowrku ku sheegay inaan la fulin.

Kulan lagu qabtay shalay Huteel Grand-Hadi kana soo qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad, Wasiir-xigeenka Marwo Rooda, Agaasimaha Guud Mr. Gurxan ayaa Agaasime-waaxeedyadda Wasaaradda gaar gaar u soo bandhigi doonaan qorshayaashooda shaqo ee sannadkan 2022 oo waafaqsan odoroska miisaaniyadda iyo qorshaha Horumarinta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Mr. Maxamed Cabdi Gurxan oo ka waramayey muhiimada iyo faa’iidooyinka kulanka ayaa sheegay, in qorshaha waxqabad 2022 ay saldhig u tahay qorshaha guud ee Wasaarada Maaliyadu dejisay sannadkii 2019-kii, ee qorshaha muddada dhexe oo ka soo bilaabmayey 2019 ilaa 2023, oo ku dhisnaa halbeegyada dhaqaalaha, maaliyadda iyo doorka Wasaaradda ee Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi oo hadal ka jeedisay ayaa ku bogaadisay Agaasime-waaxeedyada hanaanka ay u soo diyaariyeen qorsheyaashooda, isla markaana Marwo Rooda ayaa sheegtay in  isbedelka ka muuqda xilligan Wasaaradda Maaliyadda amaanteeda leeyahay Wasiir Dr. Sacad.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo kulanka ka hadlay ayaa  sheegay in qorshahu yahay qeyb ka mid ah maamulka, isla markaana la’aantii maamul-xumo imanayso.

Dr. Sacad oo ka hadlayey muhiimada kulanka ayaa sheegay inuu yahay sidii loo diyaarin lahaa qabashada waajibaadkii Wasaaradda Maaliyadu Qaranka u haysay, oo ugu muhiimsan yihiin qorshaha maaliyadda, uruurinta dakhliga iyo kantaroolka iyo dabagalka kharashaadka.

Agaasime-waaxeedyadda Wasaaradda Maaliyadda oo gaar gaar ugu soo bandhigeen qorshayaashooda sannadkan 2022 ayaa hawlaha u qorsheysan Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda ka muuqdeen inay sannadkan 2022 sii wadi doonaan dhaqangelinta talooyinkii xafiiska Hantidhowrka Guud hore u soo jeediyey ee la xidhiidhay natiijooyinka hantidhowrka miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda 2019 iyo 2020 isla markaana uu kulanka sharaxaad kaga bixiyey Agaasime Mudne. Xasan X. Maxamuud.

Kulankan oo hal maalin ahaa, ayaa gunaanadkii la iskula qaatay qorshaha waxqabad ee Wasaaradda Maaliyadda ku shaqeynayso sannadkan 2022.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply