“Dalku Waa Nabad Cidna Wax Ma Samayn Karto”

0
685

Xukuumadda Somaliland oo Ka Jawaabtey Hanjabaado Kasoo Yeedhay Madaxda Mucaaridka

Qore: Saciid Cagjar

 

Hargeysa-(Dawan):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadallo hanjabaad ah oo kasoo yeedhay hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah kuwaas oo la xidhiidha furista urrurada iyo doorashada madaxtooyada.

 

Xukuumadda ayaa sheegtay in dalku ammaan yahay islamarkaana aanay jirin cid wax u dhimi karta nabadgelyada Somaliland kusoo caano maashay, waxaanay mucaaradka uga digtay hadalada bulshada cabsida ku abuuraya.

 

Wasiir ku xigeeenka arrimaha gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda ariimaha gudaha, Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa sheegay in lagasoo gudbay xilligii reeraha . “waddanku waa nabad wax ka dhacaayana ma jiraan, cid wax samayn kartaana ma jirto, waxna dhici maayaan, waxa jirtay xilli dadku odhan jireen yaa reer hebelaay balse xilligaa waynu dhaafnay oo waxa aynu u gudubnay sharci iyo dastuur” ayuu yidhi

Cabdinaasir Caydiid ayaa sheegay in hoggaanka xisbiyada mucaaradka ay dalka ka maqnaayeen xiiligii colaaddu ka jirtay balse ay hadda doonayaan in ay colaad ka abuuran, waxaanu yidhi “Xilligii dalka dabku ka socday ayey waddanka ka maqnayeen odayaasha xisbiyada mucaaradku marka imika ayey rabaan in ay ka daba geeyaan ee waxaanu leenahay intaas ayaa nagu filan ee naga joojiya, ammaanka dalkana waxa ka masuul ah xukuumadda mana dhacayso in wax la yeelo shacabka iyo hantidooda”

 

Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku hanjabay in haddii ay dib u dhacdo doorashada madaxtooyada in uu dalku yeelan doon madaxweynayaal badan oo aan waafaqsanayn dastuurka lagu hago dalka.

 

Leave a Reply