Taliyeyaasha Ciidanka Togdheer oo ka Digay in Rabashado laga Abuuro Gobolka

0
641

Qore: Saciid Cagjar

 

Burco-(Dawan) taliyeyaasha  Qaranka, Booliska iyo Asluubta ee gobolka Togdheer ayaa ka digay xaalad amni darro in laga abuuro magaalada Burco ee Caasimada gobolkaas.

 

Sarakiisha ciidanka oo qayb ka ah guddida amniga ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay tuhun amni darro ka qabaan shirarka uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka wado magaalada Burco.

Abbaan duulaha qaybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ganshaale sare  Kayd Cismaan ayaa sheegay in ciidanku aanu ka garnaqayn khilaafka xisbiyada balse ay waajib ku tahay sugida amniga dalku, waxaanu yidhi.

 

“Adduunka waa lays qabtaa balse waxa jira garsoor iyo meel lagu kala baxo, annagu ka garqaadi mayno balse waxa muhiim ah in nabadgelyada la ilaashado, Xisbiga qaran ee waddani gobollada kale muu tegin ee gobolka Togdheer ayuu yimi oo shirar ku qabtay , waxa aanu ka digaynaa in rabasho laga sameeyo gobolka”

Taliyaha qaybta  Booliska  gobolka Togdheer ayaa tilmaamay in xisbiga Waddani uu dhallinyarada u sheegay in ay wax iska celiyaan oo dawladdda jirtana ay waddo dulmi iyo xaqdarro,

Taliyaha aya ugu baaqay bulshada iyo xisbiga waddani in ay qayb ka qaatan abaarta iyo biyo la’aanta baahsan ka jirta gobolka togdheer oo ay joojiyaan abaabulika wax yeelaya nabadgelyada Somaliland kusoo caano maashay.

Leave a Reply