U Daneynta Danta guud waa badbaadada Qaranka.

0
426

Faallo: Xuseen Cali Nuur

 

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo labada aqal ee Baarlamaanka wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhexaysaa waa mid dastuurka iyo sharciga dalka ku sallaysan. Sidoo kale xidhiidhka shaqo ee ay la leeyihiin Golaha Garsoorka waa mid muujinaya Qarannimo iyo xornimo jacaylka shacbiga.

Xidhiidhka ka dhexeeya wuxuu waxtar weyn u leeyahay sugidda nabad ku wada noolaanshaha iyo himilada guud ee loo midaysan yahay. Xidhiidhkan oo aan lahayn wax kala jiidasho ah, waxa ka naxa cadowga, waxaana ku farxa saaxiibada dalkani leeyahay.

Aragtida oo lagu kala duwanaadaa waa u sumad hadba heerka dimuqraadinimo ee dalku leeyahay. Waana u sabab helitaanka masrax siyaasadeed iyo warbaahineed oo fikradaha kala duwan, lagu wadaago. Kala duwanaanshaha fikradaha iyo aragtiyaha waxaa ka dhasha helitaanka tallooyin tusmo wanaagsan leh.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa u caadi ah in khilaafyada siyaasadeed ee dhexmara Xukuumadda, Baarlamaanka, Xukuumadda iyo axsaabta ama baarlamaanka gudihiisa in maxkamadda dastuuriga ah loo gudbiyo, si xal sharci ah loogu helo. Arrintan maanta maxkamadda dastuuriga ah hortaalaa waxa laga sugayaa in go’aan sharci ka soo baxo, waxana hore loo soo maray go’aanka sharci ee ay maxkamadaasi gaadho in lagu wada dhaqmo.

Waa Ilaahay mahaddii in arrintan sharci ee lagu murmayo maanta aanay waxba u dhimin wada shaqeynta ka dhexaysa Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada. Waxana tusaale innoogu filan sida Golaha Wakiilladu sifo sharci uu madaxweynaha ku celiyey ansixinta Wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee uu magacaabay. Ku celintaas oo madaxweynuhu garwaaqsaday, sifo sharci ahna uu Golaha Wakiillada ugu soo celiyey waa la ansixiyey. Waana wada shaqeynta caafimaad qabta ee ka dhexaysa.

Golaha Wakiillada waxa horyaal miisaaniyadda 2022ka iyo xisaab-celintii miisaaniyadii 2020.

Miisaaniyadda sannadkan oo kor u dhaaftay 400 oo Milyan oo doolar, waxa ka muuqata korodhsiimooyin badan, xilli duniddu ay hoos u dhac dhaqaale ay la baaxaa-degayso. Korodhka miisaaniyadda ee muuqda waxa ka mid ah:

Dawladda dhexe 11.2 Boqolkiiba

Dawladaha Hoose 48 Boqolkiiba

Ammaanka iyo Nabadgelyada 35 Boqolkiiba oo ay ka mid tahay mushaharka ciidanka oo loo kordhiyey Boqolkiiba Labaatan.

Waxbarashada iyo caafimaadka 12 Boqolkiiba.

Kaabeyaasha dhaqaale 17.5 Boqolkiiba

Wax-soo-saarka 12 Boqolkiiba iyo wadaagaha maamulka oo ay ka mid yihiin aqoonsi raadinta, doorashada madaxweynaha, ilaalinta hantida qaranka iyo isla xisaabtanka oo ah 19 Boqolkiiba.

Waxay ila tahay Miisaaniyaddii kal-hore Boqolkiiba Sideetan waxay ahayd mid dakhliga dalka laga helay deeqaha kala duwana ee caalamiga ahna waxay ku lahaayeen labaatan boqolkiiba, waxaanay ahayd guul.

Waxaan leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland dhibaatooyinka ka dhasha khilaafka siyaasadeed waxay kaga badbaaday dhibaatooyinka maanta haysta dalal badan dastuurka, sharciyada dalka iyo wada shaqeynta. (Nin baa la weydiiyey waxa ugu wacan in had iyo jeer wax laga sheego, saaxiibkiina aan marnaba la soo qaadin) waxa uu ugu jawaabay “Waan shaqeeyaa hadh iyo habeen, saaxiibkayna wuu sheekeeyaa, ogaada in u shaqeynta danta guud lagu diirsado, badbaadana u tahay Qaranka.

Leave a Reply