Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Ka Warbixiyay Waxa Sababay Korodhka Qiimaha Maciishadda

0
644

“Waxaynu isticmaalo dibedda ayyanu kala soo degnaa horta aynu wax la soo baxno oo wax beerano.”

“Xeerkii kala xadaynta ganacsigana waan wadnaa Liisanku wuxuu kala xadeeyaa waxyaabo badan… . Kiintaalka  Bariiska ah, waxaa la kordhiyay, 0.05 dollar.”

 

Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa sheegay in kor u kaca ku yimid qiimaha maceeshadda darruuriga ah ee la quuto ay tahay mid aynu kala siman nahay caalamka.

Taasoo ay sababtay in kadib markii uu dunidda ka dhacay xanuunka Coronavirus, in dadkii beeralayda ahaa ee wadamadda wax soo saarka leh in ay guryaha ku xeroodeen oo ay joojiyeen ka shaqyantii beeraha.

Waxaanu wasiirku tilmaamay in arrintaasi ay keentay inuu hoos u dhaco wax soo saarkii guud ahaan ee caalamka, iyadoo markii wadamadda qaarkood ay qaadeen xayiraadii Covid-19-ka ee dadka loo ogolaaday in ay suuqyadda iyo shaqadoodda dib ugu noqdaan in ay aad u yaraadeen badeecadihii suuqyadda yaalay.

Arrintaasi oo si weyn u saamaysay dalalka aan wax soo saarka lahayn ee inta badan waxyaabaha ay cunaan dibadda kala soo dega, taasoo uu sheegay wasiirku in ay sabab u tahay kor u kaca ku yimid qiimaha maceeshadda ee Somaliland.

Wasiirka ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland waxa uu sidan ka sheegay barnaamijka Bandhigga Waxqabadka iyo isla-xisaabtanka xukuumadda iyo Bulshadda, ee telefishanka qaranka Somaliland oo uu xalay wasiir Saajin, marti ku ahaa.

Barnaamijkaasi oo ay wasiirka dadweynuhu su’aalo kala duwan oo la xidhiidha shaqadda wasaaradiisa ku waydiiyeen, wasiir Saajin oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay kor u kaca qiimaha maceeshadda, waxa uu ku jawaabay.

“Dunida xanuunka Coronavirus, wuxuu ka jiraa laba sannadood. Markii uu Corona dhacay, dadkii beeralayda ahaa way wada xeroodeen, oo guryaha ayay ku xeroodeen. Kadibna wax soo saarkii hoos ayuu u dhacay. Markii guryaha laga soo saaaray, badeecadihii suuqyadda yaalay ayaa yaraaday.

Koonteenaradii wax lagu soo raran jiray na kiradoodii aad ayay u qaaliyowday. Saddex jibaar ayay noqdeen qiimahoodu. Korodhkaasi qiimaha maceeshadda, daba-gal ayaanu ka samaynay, oo koox wasaaradda ka tirsan ayaanu u xil saarnay. Kooxdaasi maalin walba soo eega qiimaha suuqa laga siinayo maceeshadda, iyo siday ganacsatadu qiimaha ugu kala duwan yihiin”ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska waxa kaloo uu ka hadlay arrinta la xidhiidha in shirkadda DP World ee maamusha dekadda Berbera inay kordhisay qiimaha lagu dejiyo Koonteenaradda.

Waxaanu yidhi,“Heshiisku shirkadda DP World wuxuu siinayay labadii sanadood ba in ay tacriifadda dib u eegi karto.  DP World waan ku ixtiraamaynaa heshiiska aan la galnay. Kiintaalka  Bariiska ah, waxaa la kordhiyay, 0.05 dollar.Koontaynarka, waxaa la kordhiyay 40 dollar, halka markii hore uu intaa ka badnaa”.

Sidoo kale wasiir Maxamuud Sacad Saajin, waxa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha sababay korodhka qiimaha maciishadda la quuto, iyo sidoo kale Shiidaalka, “Wax soo saarka dalkeena waa in aynu innagu wax la soo baxno, 95% waxaan isticmaalno wadamo kale ayaa beerta. Inangu waxba uma iib gayno adduunka. Isku-dheeli tirka gaancsiga ee waxyaabaha aad la soo degayso iyo waxyaabaha aad dhoofinayso, ayaana wax lagaga qaban karaa.

Wasaaraddu waxay ku dedaashay wax ka qabashada caqabadihii ka jiray diiwaan-gelinta Ganacsiga. Shiidaalka waxaanu ugu nimid 15000 Kun oo shillin halka Litir, imika na wuxuu marayaa 0.68 Dolar, oo aan wadamadda innala jaarka ah la qiimo noqono” ayuu yidhi wasiir Saajin.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Illaa shuruuc la hello, wax ba lama kala xadayn karro. Xeerkii kala xadaynta ganacsigana waan wadnaa. Liisanku wuxuu kala xadeeyaa waxyaabo badan. Laakiin, inaga wasaarradaha ayaaban kala xadaysnayn. Dhawr iyo labaatan wasaarradood ayaa liisamadda ganacsiga bixin jiray”.

Geesta kale wasiir Saajin, waxa uu sheegay in mudadda uu xilka wasaaradaasi hayay inuu wax badan ka qabtay xagga arrimaha shuruucda ganacsiga, iyadoo markii uu xilka wasaaradda la wareegay aanay jirin siyaasad ganacsi haba yaraatee.

Sidaas darteedna uu ka hawl-galay sidii xeerarka ganacsiga loo diyaarin lahaa, isla markaana mudadii uu joogay in ay u hirgaleen dhamaystirka iyo ansixinta xeerka shirkadaha Somaliland Xeer LR. 80/2021-ka. Dhamaystirka iyo hirgelinta xeer nidaamiyaha, xeerka shirkadaha Somaliland. Dhamaystirka iyo ansixinta xeerka Liisamadda ganacsiga Somaliland xeer LR. 98/2021.

Dhamaystirka xeer nidaamiyaha liisan bixinta Mukhalasiinta iyo wakiiladda Marraakiibta. Dhamaystirka iyo hirgelinta siyaasadda horumarinta iyo kobcinta ganacsatadda yar  yar dhexe.

Dhinaca kale wasiirku mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dhinaca arrimaha dalxiiska iyo goobaha qadiimiga ah ee dalkeenna ku yaalla, waxa uu sheegay in ay jiraan ilaa todoba goobood oo kuwa dalxiiska ah oo ay ilaaliyeen.

“Waxaynu leenahay todoba goobood oo qadiimi ah, oo aanu ilaalinay, iyo masjidka Qib-lataynta Saylac, oo aanu isagana imika u raadinayno sidii dib loogu habayn lahaa. Goobaha dalxiiska hadaan dhaqaalaysano, sida xoolaha inaga baabi’I maayaan. Waan ku rejo weynahay in aan wax ka qabano” ayuu yidhi wasiir Saajin.

 

Leave a Reply