Siyaasiyiin Miisaan leh oo soo Dhaweeyay Go,aanka Maxkamadda sare

0
358

Hargeysa(Dawan):- Siyaasiyiin miisaan ku leh Somaliland,ayaa si wayn u soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda sare ay shalay soo saartay isla markaana ugu baaqay siyaasiyiinta ka soo hor jeeda in ururada Siyaasadda la furo in ay ku qancaan furinta ururada isla markaana ay ixtiraamaan qaanuunka dalka iyo tartanka xalaasha ah.

Siyaasiyiinta soo dhaweeyay ayay qaarkood uba dhawaaqeen in ay furteen urur siyaasadeedyo ku soo biiraya masraxa siyaasadda Somaliland. Siyaasiyiinta Ismaaciil Maxamuud  Hurre Buubaa, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo Cabdisalaan Yaasiin  ayaa soo dhaweeyay go,aankii Maxkamadda sare ka soo  saartay dhaqan galnimada Xeerka Ururada Siyaasada iyo Axsaabta qaranka.

 

 

Siyaasiyiintan oo shalay Warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay in Somaliland tahay waddan sharciga ku dhaqmaya oo Qaynuunku sarreeyo,

 

 

 

Siyaasiga Cabdisalaan oo go,aankii maxkamadda ee shalay ka dib warbaahinta la hadlay ayaa yidhi. “Arinta Maxmadda sare ka garnaqday aad ayaanu ugu faraxsannahay,waxaanan rejaynayaa dadkii aan doonayn in lagu dhawaaqo in Ururadii furan yihiin in ay qaataan go,aankaa Maxkamadda ka soo baxay.oo ay noqoto in Ururo  tartamaan,oo ay u soo baxaan Xisbiyo oo hadana u tartamaan Doorashada Madaxtooyadda ee foodda innagu soo haysa, waxaanay Somaliland noqotay waddan sharci ku dhaqmaya oo qaanuunkii sarreeyo,”.

 

Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa ayaa dhankiisa sheegay Xisbiyadda hadda jiraa in ay noqon doonaan Bisha May ee Sannadkan  Ururo.Waxaanu yidhi”Ururadii way furan yihiin Bisha May waxay Xisbiyadu dhammaantood noqon doonaaan Ururo,waxaana hadda jooga Xisbiyo shakhsiyaad leeyihiin wakhtigoodii wuu dhamaaday Siyaasadana waa loo sinnaan doonaa.”.

 

 

Sidoo kale Siyaasiga Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax  ayaa isaguna soo dhaweeyay go,aanka Maxkamadda sare soo saartay.Waxaanu yidhi”Waxa aanu ku faraxsanahay soona dhawaynaynaa go,aankaa Maxkamadda sare soo saartay ee ah in la furo Ururadii Siyaasadda,waxaanay  ilaalisay xuquuqda muwaadiniinta.”

 

 

Leave a Reply