Hector Bellerin oo Shaaciyey Sababtii Rasmiga ahayd ee uu uga Tegay Arsenal

0
456

Difaaca reer Spain ee Hector Bellerin ayaa markii ugu horreysay shaaciyey sababtii rasmiga ahayd ee uu u qaatay go’aankii uu kaga tegay Arsenal, waxaanu u mahad-celiyey Mikel Arteta oo uu sheegay inuu fahmay.

Hector Bellerin ayaa soo afjaray toban sannadood oo uu ka tirsanaa Arsenal oo uu u saftay in ka badan 200 ciyaarood tan iyo markii uu ka mid noqday kooxda koowaad sannadkii 2014.

Saddex xilli ciyaareed oo xidhiidh ah ayuu ciyaaray in ka badan 40 kulan mid walba, laakiin dhaawacyo ku habsaday ayaa hoos u dhigay awooddiisii iyo fursadihiisii, waxaana uu ugu dambayntii go’aansaday inuu iskaga tago Emirates Stadium.

Xagaagii tegay ayuu weydiistay Arsenal in la fasaxo, waxaana ogolaansho buuxa siiyey Mikel Arteta oo ay hore ugu soo wada ciyaareen Gunners, waxaanu ka degay Real Betis oo uu amaah ugu maqan yahay.

26 jirkan kasoo baxay kulliyadda da’yarta Barcelona ayaa waraysi uu siiyey halyeygii Arsenal ee Ian Wright waxa lagu weydiiyey sababtii rasmiga ahayd ee uu uga tegay naadiga iyo arrimo kale, waxaana uu yidhi: “Waxa aan nasiib ku lahaa in uu Mikel ahaa qofka aadka ii fahmaya. Mikel wuxuu fahamsanaa in aanay wax lug ah ku lahayn kubadda cagta iyo kooxda midna.

“Maadaama dadku uu leeyahay wareeg nololeed, sababtuna aanay ahayn in aan kasii ciyaaro halkaas (Arsenal) kaliya kuma caawinayso in lagu yidhaahdo waad naga mid tahay.”

Bellerin waxa uu sheegay in markii uu la hadlay Arteta, in uu tababaruhu u sheegay in uu doonayo inuu u caawiyo saaxiibtinimo darteed, isla markaana uu meel iska dhigayo arrinta tababarenimada.

“Ixtiraamka aan u hayo dadka halkaas jooga (Arsenal0, aad ayaan ugu faraxsanahay in Arsenal ay i siisay fursad aan ku helo waxa aan raadinayay. Waxaad arki karaysay waqtigaas in aanay midkaayana u shaqaynayn (sii joogistiiisu). Way ii caddayd maskax ahaan waxa aan doonayo, waanan ku faraxsanahay in ay ii hirgashay, aadna waan ugu faraxsanahay

Leave a Reply