Badhosaab Ku xigeenka Gobolka Togdheer oo  Baaq U Diray bulshada Gobolkaasi.

0
243

Burco (Dawan)  – Badhosaab ku xigeenka gobolka Togdheer Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolkaasi in maalinta berri ah ay isugu soo baxaan dibadbax lagu weynaynayo qaddiyadda gooni isu taaga ee Somaliland.

Badhosaab ku xigeenka oo la hadlaayay warbaahinta dawladda ayaa ku baaqay in bulshada gobolku ay maalinta berri ah oo Axad ah, ay isugu soo baxaan xarunta gobolka Togdheer, si dunida loo tuso in qaddiyadda madax banaanida ee Somaliland ay tahay qaddiyad bulsho, waxaana uu xusay in dhammaan shacabku ay u soo diyaar garoobaan, sidii loo tusi lahaa beesha caalamka in aqoonsiga Somaliland uu yahay dareen shacbi oo aan laga noqon karin.

Geesta kale, badhosaabku waxa uu si weyn ugu mahadnaqay Baarlamaanka Ingiriiska ee dhawaanta doodda ka yeeshay qaddiyadda gooni isu taaga ee Somaliland, isagoo tilmaamay inay rajaynayaan in dooddaa ta ku xigtaa ay noqonto tii Ictiraafka lagu siinayay Somaliland, oo muddo 30 sanno ah baadigoob ugu jirtay, sidii ay aqoonsi caalamiya ay uga heli lahayd bulshada Caalamka

Leave a Reply