Wasiir ku xigeenka arrimaha Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ee wasaaradda arrimaha Gudaha oo si Wada jir Ah U furay Tabobar

0
247

Hargeysa (Dawan)   Wasiir ku xigeenka arrimaha gobollada iyo degmooyinka dalka ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Naasir Caydiid oo uu weheliyo xisaabiyaha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daa’uud Geeddi ayaa si wada jir ah ugu furay tabobar xoghayayaasha 23 degmo doorasho ee dawladaha hoose ee Somaliland.

Tabobarkan ayaa ku saabsanaa nidaamka casriga ah ee Dhijitalka ee xisaabaadka, isla mar ahaantaana lagaga guurayo nidaamkii hore ee gacanta ahaa.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalialnd Cabdirashiid Xirsi Cali ayaa sheegay in tabobarkan u jeeddadiisu ay tahay sidii loo horumarin lahaa hannaanka xisaabaadka ee dalka, isla markaana loogu guuri lahaa nidaam online ah, si hufnaanta maaliyadda ee dalka kor loogu qaado.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray inay casriyaynayaan xisaabaadka, isla markaana ay hirgelinayaan nidaamka ay hadda dunidu ay adeegsato, si Somaliland ay uga faa’ideysato, waxaana uu ugu baaqay xoghayayaasha ka faa’ideysanaya tabobarkan inay weeleeyaan aqoonta ay macalimiintu ay barayaan.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Axmed Daa’uuud Geeddi ayaa faray xoghayayaasha inay markooda dalkooda u shaqeeyaan, isla mar ahaantaana ay yihiin jiilka baddalaya jiilka hadda shaqeeya, waxaana uu xusay in shaqada qaranku ay tahay qori isku dhiib, uu maalinba fac joogo.

Xisaabiyaha guud ee qaranku waxa uu intaas ku daray inay ku tabobarayaan xoghayayaasha dawladaha hoose ee dalka hab xisaabeed cusub oo ay dunida oo dhani ay haatan ku dhaqanto, kaasoo kor u qaadaya daahfurnaanta xisaabaadka qaranka.

Gebogebadii, Wasiir ku xigeenka arrimaha gobollada iyo degmooyinka dalka ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Naasir Caydiid oo tabobarka furay ayaa sheegay in tabobarkana ay ka faa’ideysanayaan xoghayayaasha dawladaha hoose ee dalka, isla markaana lagu barayo hab xisaabeed cusub oo lagu hagi doono xisaabinta qaranka, isagoo ku booriyay ka qayb galayaasha inay ka faa’ideystaan tabobarkaasi, isla mar ahaantaana ay ka muuqato shaqadooda

Leave a Reply