Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay arrimaha Horumarinta Dhalinyarada.

0
595

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay Arrimaha Horumarinta Dhalinyarada ee Dalka, iyagoo xukuumadda ku bogaadiyey mashaariicda shaqo abuurka ah ee dhalinyarada loo sameeyey.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayey guddoomiyaha golahaasi Md-Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood ka yeesheen arrimaha horumrinta dhalinyarada ee dalka iyo sidii loo sii horumarin lahaa, iyagoo mudanayaashu doodoodaasi ku bogaadiyay mashaariicda ay xukuumadda samaysay ee shaqo abuurka dhalinyarada dalka, gaar ahaan barnaamijka shaqo qaran.

Halka sidoo kalena, mudanayaasha golaha guurtida ee Somaliland ay talo ahaan u soo jeediyeen sidii dhalinyarada waddanka looga badbaadin lahaa mukhaadaraadka iyo balwadaha la qabatimo, iyo sidoo kale sidii ay waalidiintu uga war hayn lahaayeen caruurtooda.

Waxa kale oo ay mudanayaashu soo jeediyeen in suuqyada laga ururiyo carruurta ku dayacan, isla markaana dhaqan celin loo sameeyo, si aanay khatar ugu noqon bulshada mustaqbalka.

Leave a Reply