Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, oo ka Qaby Galay Bannaanbax ka Dhacay Boorama.

0
511

Boorama (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershadaha Somaliland, xubnaha Golaha Deegaanka ee degmada Boorama iyo saraakiisha amniga ayaa dadweynaha degmada Boorama kal qayb galay bannaanbax maalintii labaad lagu taageerayo qaddiyadda gooni isu taaga Somaliland.

Waxa sidoo kale ka qayb galay bannaanbaxan lagu teegarayo qaddiyadda Somaliland shaqaalaha dawladda, guddiyada kala duwan ee xaafadaha degmada Boorama, ururada bulshada iyo haween weynaha gobolka Awdal.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Boorama, kuwaasoo sheegay in qaddiyadda Somaliland ay tahay qaddiyad bulsho, oo aan marna gorgortan laga geli karin, iyagoo ugu baaqay bulshada inay gacmaha isku qabsadaan sidii loo sii wadi lahaa baadigoobka aqoonsiga Somaliland ee soddon jirsaday.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta axsaabta mucaaradka ah ee Somaliland oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dedaallada lagu raadinayo ictiraafka ee ay waddo xukuumadda Somaliland, iyagoo bogaadiyay jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska oo ay sheegeen in hawl fiican ay u qabteen dadkooda iyo dalkooda.

Salaadiinta iyo cuqaasha gobolka Awdal oo iyaguna fagaaraha kala hadlay dadkii isku soo baxay, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha somaliland inuu maalin qaran u sameeyo Ictiraaf raadinta dalka, isla markaana sannadkasta la xuso, loo ban baxo sidii beesha caalamka loo tusi lahaa in Somaliland ay u qalanto inay Ictiraaf buuxa ay ka hesho bulshada caalamka.

Gebogebadii, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa u sheegay bulshadii isku soo baxday in qaddiyadda Somaliland ay tahay muqaddasi iyo mid aan laga noqonayn, isagoo ku booriyay bulshada Somaliland guud ahaan inay u halgamaan sidii ay tixgelin uga heli lahaayeen bulshada caalamka, isla markaana loo aqoonsan lahaa qarankooda Somaliland, oo uu sheegay inuu mudan yahay in ictiraaf buuxa uu ka helo dunida, maadama uu buuxiyay kaalmihii looga baahnaa dal oo dhan.

Leave a Reply