Arenal oo Barbaro Niyad-jab leh kala Kulantay Kooxda ugu Hoosaysa iyo Liverpool oo Guul ka Gaadhay Crystal Palace

0
294

Liverpool  ayaa  qaybtii hore ku nasisay Crystal Palace laba gool oo nadiif ah ka dib ciyaar wiilasha Klopp deg deg ay ku bilaabeen .

Liverpool waxa ay ku wacnaayeen in kubadda  gaadhsiiyaan  afka hore waana midda keentay in goolal  helaan xilli ay kala yimaadeen daqiiqadihii 8-aad iyo 32-aad waxaana kala saxiixay Van Dijk iyo Chamberlain.

Qaybtii dambe ee ciyaarta Liverpool rikoodhe ayay heleen waxaana gool u turjumay Fabinho , daqiiqadii 89-aad balse kooxda garoonka aad ayay u dedaaleen, waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 3/1 oo ay guusha ku raacday Liverpool

Dhinaca kale, kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda ugu hoosaysa horyaalka premier League ee Burnley kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka.

Kulanka ayay Arsenal ahayd kooxda fiican dhinac walba iyaga oo si aad ah u doonayay in ay Burnley ka dhaliyaan goolka furitaanka laakiin kooxda Burnley ayaa difaac waali ah ku jirtay.

Dhanka kale Burnley ayaa isku dayday weeraro goos-goos ah oo ay ku qadayeen kooxda Arsenal kuwaas oo ay marar badan halis galiyeen kooxda Arsenal.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro bilaa gool ah iyada oo Arsenal wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka halka ay Burnley dhankeeda wax walba u samaysay sidii ay u difaacan lahayd goolkeed.

Arsenal ayaa qaybtii dambe laba jibaartay weerarada iyaga oo Burnley dhinac walba ka weeraray xilli ay Burnley difaac adag hor dhigtay goolkeeda iyaga oo ay ka go’nayd in ay halka dhibic kala baxaan Emirates maadama ay dhibicdu guul ugu dhigantahay Burnley.

Ugu dambayn kooxda Burnley ayaa heshay wixii ay doonaysay waxana ay bar-baro 0/0 ah ku qabatay kooxda Arsenal iyaga oo hal dhibic oo guul ugu dhigma kala baxay Emirates.

Leave a Reply