Xog Muujinaysa in Messi Yahay Xiddiga Labaad ee ugu Xun Yurub Xilli Ciyaareedkan

0
537

Xogo cusub oo soo if-baxaya ayaa muujinaya in saxeexii xagaagii ee kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi yahay ciyaaryahanka labaad ee ugu xun shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub xilli ciyaareedkan marka laga eego dhinaca darbooyinka ama shuudadka.

Messi ayaa qaabkii ugu xumaa ee ugu macquulsanaa ku bilawday nolosha magaalada Paris isaga oo ilaa haatan hal gool kasoo dhaliyay horyaalka Ligue 1 xilli bisha labaad ee sanadka 2022 ay maalmo koobani ka hadheen.

Marka ay noqoto cel-celiska darbooyinka iyo goolasha lagu dhaliyo, in Messi uu 1 gool oo horyaalka ah kusoo dhaliyay 44 darbo oo uu sameeyay ayaa ka dhigan inuu yahay ciyaaryahanka labaad ee ugu xun Yurub dhinacaas.

Kaliya daafaca garab ee kooxda Manchester City ee Joao Cancelo ayaa kaga xun halkaas, 27 sano jirkaas ayaa 1 gool kusoo dhaliyay 46 darbo oo uu sameeyay xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, Messi ayaa ka qayb qaatay goolashii Paris ee Axadii oo ay 4-0 uga adkaadeen Reims isaga oo soo sameeyay caawintiisii lixaad ee xilli ciyaareedkan

Leave a Reply