Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo bogaadiyey Baarlamanka UK

0
369
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa bogaadiyey dooddii ay Baarlamanka Ingiriisku ku soo bandhigeen aqoonsiga Somaliland,taasoo uu ku tilmaamay mid hiil u noqonaysa qaranka Somaliland.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inay Somaliland abaal weyn ku leedahay dalka Ingiriiska, waxaanu xusay askartii dalkooda u dagaalamay dagaalkii Barma inay ahaayeen muwaadiniin reer Somaliland.
“Waan Bogaadimay Barlamaanka Uk, geesiyadii UK barbar-istaagay Dagaalkii Barma, waxay ahaayeen Somaliland, Ingiriiska waxaan leeyahay waxaanu idiinka baahanahay hiil intan ka badan”
Guddoomiyaha UCID, waxa kale xaasidiin ku tilmaamay dadka Soomaaliya ee diidan qadiyada Somaliland “Reer Somaaliya inta xaasidaysa Somaliland, waxaan leeyahay ku dhinta xaasidnimadiina”
Xubno kamida xildhibaannada baarlamanka dalka Ingiriiska oo ka kooban saddexda xisbi ee ugu weyn dalkaasi, ayaa golaha baarlamanka soo dhigay dood ku saabsan aqoonsiga qadiyadda Somaliland.

Leave a Reply