Wufuud ka Socda Midawga Yurub, UK Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany oo Dalka soo Gaadhay

0
533

Nuxurka Kulamo ay la Qaateen Golaha Wakiillada, Koomishanka Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL 

Hargeysa (Dawan) Wefti culus oo ka socda Midowga Yurub (EU), dalalka UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda wasaaradda arrimaha gudaha JSL, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo shir-guddoonka golaha wakiillada

Kulanka weftiga iyo Komishanka doorashooyinka ayaa lagaga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulankaasi kadib ka warbixiyay waxyaabihii lagaga wada hadlay shirkaasi, waxaanay arrintaasi kaga hadleen warsaxaafadeed ka soo baxay guddida doorashada, kaas oo u dhignaa sidan- “Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa shalay xafiskiisa ku qaabilay – wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sharraxay nuxurka qodobada ay ka wada hadleen weftigan, waxaanay arrintaasi kaga hadleen warsaxaafadeed ka soo baxay guddida oo u dhignaa sidan:- “Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa shalay xafiskiisa ku qaabilay wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.”

Weftiga ka socdey wakiilada midowga Yurub iyo UK ayaa sidoo kale, kulan la qaatay shir-guddoonka golaha wakiillada, waxaana looga hadlay dhamaystirka xeerarka muhiimka u ah nabada, dimuquraadiyada, Doorashooyinka iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambayna waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada ee ka kala socday midowga yurub (EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta ugu sareeya wasaaradd arrimaha gudaha, waxana lagu falaqeeyey wada shaqaynta Somaliland iyo xidhiidh wadamada Saaxiibada la ah Somaliland, arimaha doorashooyinka iyo Mashaariicda Haruumarineed ee ay Somaliland ka taageeraan .

Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Naasir Caydiid Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil iyo masuuliin kale, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay diblomaasiyiintaas.

Weftigaas diblomaasiyiinta ah ayaa ka socday dalalka Somaliland ka taageera dhinaca horumarinta, doorashooyinka iyo Arrimaha nabadgelyada. Kulankaas oo saacado socday waxa lagu falan-qeeyey mashaariicda horumarka ee dalka ka socda

Weftigan ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyey horumarka ka socda iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhexaysa Somaliland iyo beesha calaamka. Dhinaca kale weftigan ayaa qiimayn ku samaynaya mashaariicda ay doonayaan in ay Somaliland ka fuliyaan sannadkan.

Dhinaca kale weftiga waxaa ka mid ahayd Madaxa Xafiiska dawladda Ingiriisku u soo magacowday dhowaan Somaliland, Mrs. Lizzie Walker.

 

 

Leave a Reply