Hoggaanka xisbiyada UCID iyo WADDANI oo kulan la Yeeshay Wefti ka Socda Dalalka Somaliland ka Taageera Dimuqraadiyadda.

0
196

Hargeysa (Dawan) – Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI,  ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ka socda dalalka Somaliland ka taageera Dimuqraadiyadda iyo Horumarka.

wefdigan ayaa ka kala yimi Midawga Yurub, Ingiriiska, Iswidhan, Noorway, Fiinlaan, Dheenmarig iyo Jarmalka, waxaana ay kala hadleen mas’uuliyiinta sare ee Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland xaaladda siyaasadeed ee dalka, sii xoojinta geeddisocodka Dimuqraadiyadda Somaliland.

Geesta kale, weftigan oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Somaliland ayaa waxay kulanno ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka la qaateen mudanayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada ee Somalialnd.

Leave a Reply