Magacyada Afarta Macallin ee ku Tartamaya Shaqada Tabobarenimo ee United

0
274

Kooxda Manchester United ayay wararku sheegayaan inay samaysatay afar tababare oo ay ka xulan doonto macalinka xiga ee sida rasmiga ah ula wareegaya shaqada tababarenimo ee kooxdeeda.

Sida lagu sheegay wargeyska The Athletic, afarta tababare ee jagada Old Trafford ku loolamaya ayaa kala ah Mauricio Pochettino (Paris Saint-Germain), Erik Ten Hag (Ajax), Luis Enrique (Spain) iyo Julian Lopetegui (Sevilla).

Man United ayaa bishii Novermber shaqada ka caydhisay tababare Ole Gunnar Solskjaer kaddib gaab xun oo ay xilli ciyaareedkan ku bilawdeen walow ay suuqii xagaaga kala soo wareegeen Cristiano Ronaldo, Raphael Varane iyo Jadon Sancho.

Booskii Solskjaer ayuu galay Ralf Rangnick oo si kumeel-gaadh ah inta xilli ciyaareedka ka dhiman u hoggaamin doona Red Devils kahor inta uusan door la taliyenimo oo laba sano ah ku wareegin.

Aynu ku bilawnee Pochettino ayaa ahaa tababare mudo dheer bartilmaameed u ahaa United gaar ahaan kaddib markii uu gaadhsiiyay Final-kii Champions League ee 2019.

Ten Hag ayaa shaqo cajiib ah ka qabanayay Ajax isaga oo laba horyaal Eredivise la qaaday isla markaana gaadhsiiyay afar dhammaadka Champions League 2018-19.

Enrique ayaa afar dhammaadka Euro 2020 ku hoggaamiyay Spain si lamid ah Final-kii UEFA Nations League isaga oo intaas kahor koobab badan lasoo hantay Barcelona.

Lopetigui oo hore usoo layliyay FC Porto, Spain iyo Real Madrid ayaa isaguna xilli ciyaareedkan wacdarro ku dhigaya Sevilla oo booska 2-aad kaga jirta kala sarreynta La Liga una tartamaysa horyaalka.

Ugu dambayn, tababaraha ku gacan sarreeya tartankaas ayaa lagu sheegay Ten Hag sababtoo ah rekoodhka daafacasho ee uu kooxda Ajax ku haysto mudada uu tababaraha ka ahaa, tusaale ahaan xilli ciyaareedkan ayaa 28 kulan oo uu hoggaamiyay kooxdiisa laga soo dhaliyay 10 gool halka ay 94 soo dhaliyeen iyagoo sidoo kale rekoodh 100% ah kaga soo baxay wareega Group-yada Champions League.

Leave a Reply