Golaha wakiillada oo u Yeedhay masuuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda horumarinta maaliyadda.

0
596

Hargeysa (Dawan) – Gudida dhaqaalaha, ganacsiga iyo miisaaniyada ee golaha wakiillada ayaa saaka kulan gaara la yeeshay Masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Wasaaradaaasi Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir kuxigeenka Marwo Rooda cilmi iyo agaasimaha guud Maxamed Cabdi Gurxan.

Kulankaas Waxaa gudoominayay Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo miisaaniyada ee golaha Wakiilada Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse (Cago weyne) isla markaana ay wehelinayeen gudoomiye kuxigeenka Gudiddaas Axmed Maxamed Hure (Barkhad) iyo xubnaha kale ee gudida.

Nuxurka kulankan ayaa ahaa inay Gudidu u faahfaahiso qodobadii wax ka bedelka Miisaaniyada meelaha laga jaray iyo sida loo maamulayo, waxaanay masuuliyiinta wasaaradu waydiiyeen suaalo doora oo ku saabsan arintan, Gudiduna ay si waadixa ayay ugaga jawaabtay.

Kulankaas ayaa ku soo gebageboobay faham guud oo ku saabsan qadiyadan waxaana lagu kala tegay iyadoo labada dhinacba si wacan u kala bogtay.

Leave a Reply