Maal-gelinta danyarta Gabiley oo la daah-furay

0
347
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo ay weheliyaan Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland iyo Maamulka Gobolka Gabiley ayaa si rasmi ah u Daah-furay Wajiga 3aad ee Mashruuca Maalgalinta Danyarta Gobolkaasi.
Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo technology cabdi wali sheekh suufi iyo wasiirka shaqada qoyska iyo arimaha bulshada mahamed cali bile iyo wasiirka diinta iyo awqaafta sheekh Albarn badhasaabka gobolka gabilay cabdiqani maxamuud jiidhe iyo maayarka gabilay maxamed amiin cumar cabdi iyo xoghayaha dawlada hoose ee gabilay eng cabdqaadir maxamed cabdi iyo qaar ka tirsan golaha deegaanka gabilay iyo shacabkii danyarta ahaa ee maanta loo qaybiyey lacagta maalgalinta oo ah sanadkii sadexaad kan koobaan qof kasta inuu hello 500 oo dollar
Taasi maaligalintan looga qofkasta helay soo celinaayo 100/50 taasi oo lagula dagaalamaayo shaqo la,aanta iyo faqriga
Mashruucan ayaa waxaa aasaasay golaha deegaanka hore ee gabilay
Tirada dadka la siiyey lacagtan maalgalinta ah ayaa dhamaa 175 qof kuwaasi oo kala ahaa 171 dumar hooyooyin ah iyo 4 rag ah
Waana sanadkii sadexaad ee barnaamjkan la fuliyo
Dhamaan wasiiradii ka soo qaybgalay xafladan ayaa u mahad naqay masuulyinta uu horeeyey maayarka gabilay iyo golihii deegaanka gabilay ee hore oo iyagu ahaa kuwii soo diyaariyey shaqadan
Gabagadii wasiirada ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey maayarka gabilay
Isman abdi bade
Dawan gabilay

Leave a Reply