Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa kala qayb qaatay maanta guddida samaynta qorshaha golaha ee shanta sanno ee soo socota, taasoo guddi gaar ah loo xil saaray.
Guddoomiyaha ayaa guddidaasi ku booriyay inay dedejiyaan, isla mar ahaantaana golaha u soo saaraan qorshe dhammaystiran, oo dalka iyo qaranka guud ahaan wax tar u yeealata.
Gudida oo hawlahooda shaqo muddooyinkii u danbeeyey si joogto ah u waday ayaa dhawaan soo gebagebayn doona qorshaha shanta sanno ee Golaha cusub ee Wakiillada ee Somaliland.