Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool oo ka hadlay dil ka dhacay Laascaanood

0
879

Taliayaha qaybtaBooliska gobolka Sool Cali Axmed Shire, ayaa sheegay in baadhis lagu hayo dil fool xun oo xalay ka dhacay gudaha Magaalada Laascaanood.

Dablay hubaysan ayaa xalay niskii hore toogasho ku dilay Nin iyo Gabadh Lamaane ahaa oo ay waliba qoysnimadoodu cusbayd.

Taliyaha ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dad badan oo falkaasi loo aanaynayo, balse ay wali baadhista ciidanku socoto.

Waxa uu tacsi u diray ehellada iyo qaraabada labada marxuum, isagoo guud ahaana qaranka ka tacsiyadeeyey geerida labada marxuum.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply