Wasiirka cadaaladda oo furay shir lagaga hadlaayo horumarinta caddaaladda gobollada bariga Somaliland.

0
939

Burco (Dawan) – Wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland ayaa magaalada Burco ka furay shir lagaga hadlayo horumarinta cadaaladda gobollada bariga Somaliland.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyeyaasha gobollada Sool Sanaag Daad Madheedh Saraar iyo Togdheer iyo sidoo kale bahda garsoorka ee goboladaasi, ugu horeyn waxa ka hadlay shirkaasi agaasimaha guud ee wasaarada cadlaada Axmed Xasan Aadan, oo sheegay in muhiimada shirkani uu yahay sidii loo horumarin lahaa hannaanka cadaaladda gobollada bariga Somaliland , waxaanu intaa ku daray in la rabo in si  toos ah laysula jaan qaado.

Waxa sidoo kale iyugna halkaasi ka hadlay guddoomiyeyaasha gobollada bariga Somaliland oo sheegay in cadaaladdu ay tahay wax ugu horeeya ee loo baahan yahay in nolol ahaan la hagaajiyo, iyagoo wasaaradda cadaaladda uga mahad celiyay qaban qaabada shirka.

Wasiirka wasaarada cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in cadaaladdu ay kasoo bilaabanto guriga iyo qoyska oo ay soo gaadho ilaa heer qaran waxaanu ka qeyb galayaasha ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan shirkaasi muddada labada maalmood ah ee u socdo.

Leave a Reply