Wasiirka Daakhiliga oo kulan la Yeeshsy Madaxda Wasaarada

0
216

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay kulan isla-xaabtan ah la yeeshsy madaxda Waaxyaha Wasaaraddaasi, kaasi oo lagu dardar gelinayey hawlaha shaqo ee Wasaaraddaasi, si kor loogu qaado habsami u socodka shaqada iyo in si joogto ah loogu xisaabtamo shaqada Qaranka loo hayo.

Kulankaas waxa goob joog ahaa Wasiir kuxigeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Naasir Caydiid Maxamed, Wasiir kuxigeenkii Amniga ee wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid iyo Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Ibraahim Cali Ismaacil.

Shirkaasi lagu dardargelinayey hawlaha shaqo ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa lagu qorsheeyey arimaha muhiim ka ah in diirada lagu saaro, sida hawlaha muhiimka ah ee u yaalla Wasaaradda sanadkan 2022 iyo waxqabadka u qorshaysan Wasaaradda in sideeda loo filo, iyada oo la qaban doono shirar joogto ah, kuwaas oo lagu qiimaynayo waxqabadka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

 

 

 

 

 

Leave a Reply