Xildhibaan Walaac ka Muujiyay Saamaynta Maandooriyaha

0
276

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa walaac ka muujiyay Saamaynta dalka uu ku yeeyahay isticmaalka Maandooriyaha.

Maxamuud Xareed Rooble ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in talo laga yeesho dhaqangadis ku socda wadanka,waxaana uu intaasi ku daray in deegaamada Miyiga uu saameeyay Maandooriyaha.

Maxamuud Xareed oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Wadanka mashaakil ayaa yaala u baahan in talo laga yeesho waxaa loo maara laayahay ee Dhalinyaro ee qaar wax cabaya waa dadka Miyiga ka imanaya iyo Tuulooyinka, sidaa qaadka loogu keenayo ayaa xisaabihii kalena loogu keenayaa dhaqan gadis ayaa ku socda wadankan masiibo Orama oo inoo timid way jirtaa oo Magaalooyinkii soo gashay oo aad la yaabayso waxa ay cunayaan iyo Nadaafadooda,socon mayso sidaa Dawlada ha yeesho ee waxa loo baahanyahay in Xukuumad iyo Guurti in talo laga yeesho ayaa loo baahanyahay oo la yidhaahdo sidee ayaa loo noolaanayaa,”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay Xukuumadda lagala shaqeeyo mashaakilka wax qabashada deegaamaysiga Miyiga.Waxaana uu yidhi”Mashaakilka taagani waxa weeyaan dadka waxa uu Aaminsanyahay waynu ognahay qabiil ayaynu Aaminsanahay,marka reer tuulo samaysto reerkii kalana wuu samaysanayaa.Macdan ayaa dhulka laga baadhaa meel ka tirsan Gobalka Togdheer intii Wasiiro iyo Xildhibaano ku noqnoqonayeen waynu ogayn qabaa,iilkii meesha daganaa ayaa laga gudbi kari laayahay,Gobalka Awdal meelo Macdan laga helay Umadii oo dhan ayaa iskugu tagtay markii dambe Xukuumadda Ciidamo ayay u dirtay.mar kasta in aynu nidhaahno Xukuumadda wax ka qabato uun maaha waa in uu yimaado siday wax u qaban la hayd,waxaana loo baahanyahay in dadka wax loo sheego Odayaasha xagooda laga maro waxa aynu qaban karnaa waa in dadka la wacyigaliyo weeye,”.

 

 

 

 

Leave a Reply