“Waxaan fariin u dirayaa dadka ganacsadda duur joogta iyadoo qofkii lagu qabta na sharciga la hor gayn doonno”…

0
593

Ilaalinta daryeelka duur joogtu waa mid muhiim u ah guud ahaanba dalka, maadaama oo ay duur joogtu ka mid tahay khayraadka dabeeciga ah ee dalkeenna.

Inkastoo dalalka adduunka intoodda badani ay si aad u ilaaliyaan noocyadda kala duwan ee duur joogta dalalkoodda ku nool, hadana waxaa jirta in marka la eego dalkeenna ay si weyn u dayacan yihiin duur joogtu.

Waxaana dhacda inta badan in bulshadeenu aanay ilaalin duur joogta, isla markaana ay qaarkooda dilaan ama ugaadhsadaan, halka ay jiraan dad kale oo si sharci darro ah uga ganacsadda duur joogta.

Dhibaatooyinka loo gaysto duur joogteenna waxaa ka mid ah in dadkeenu aanay ba ku baraarugsanayn faa’iidadda ay duur joogtu leedahay, iyadoona ay dhacdo in xataa derawaladda gaadiidku aanay uba aabo yeelin oo haddii ay jidadka ku arkaan ay jiidhaan.

Hadaba si wax looga qabto dhibaatooyinka kala gedisan ee loo gaysto duur joogta ayaa wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxay dabayaaqadii sanadkii 2021-kii goboladda dalkoo dhan ka bilawday barnaamij bulshadda lagaga wacyigelinayo ilaalinta duur joogta.

Wacyigelintaasi oo ay u jeedadeedu ahayd ilaalinta iyo daryeelka duur joogta waxaa fulisay waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka, iyadoona uu hogaaminayay agaasimaha waaxdaasi C/naasir Xuseen Siciid.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa 12-kii bishan January barnaamijka wacyigelinta ilaalinta iyo daryeelka duur joogta ka fulisay gobolka Sool iyo deegaano hoos yimaada.

Wacyigelintaasi oo ay wasaaradda deegaanka Somaliland muddooyinkan ba ka wadday goboladda iyo degmooyinka dalka, waxaa hogaaminaya agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi C/naasir Xuseen Siciid.

Fulinta wacyigelintaasi oo Laascaanood ka dhacday waxaa kala qayb qaatay badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyadoo halkaasi qaybaha kala duwan ee bulshadda loogu soo bandhigay wacyigelintaasi.

Sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool, iyo xubno kaloo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee gobolkaasi ka tirsan.

Badhasaabka Sool oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa wasaaradda deegaanka ku bogaadiyay barnaamijkan wacyigelinta ah ee ku saabsan ilaalinta duur joogta dalkeena oo qayb ka ah quruxda iyo hantideena.

Waxaanu sheegay C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, in ay muhiim tahay in ay bulshadeenu ilaashadaan duur joogto, iyadoo haddii la laayo ama la iibiyo oo ay duur joogtu inaga guurto in deegaankeenana uu isbedel ku imanayo.

Guddoomiye C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa u soo jeediyay dadka ka ganacsadda duur joogta in ay ka waantoobaan arrintaasi, isla markaana qofkii lagu qabto isagoo ficiladaasi ku jira in sharciga la hor gayn doono.

“Waan uga mahad celinayaa wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda, sida ay ugu shaqaynayso ummadeedda iyo qarankeedaba, una ilaalinayso duur joogta. Haday inaga guurto duur joogtu, oo ama la laayo, ama la iibiyo, sida deegaanku u nabaad-guurro ayay inooga nabaad-guuraysaa.

Waxaana odhan lahaa hala ilaashado duur joogto. Waana in aan la iibinin, ama laga ganacsan. Waana in la qabto meel kastoo ay ay marayso, oo dadka sida ama gawaadhida ku qarsanaya, ama dadka iyagoo iibinaya la ogaado, in la soo sheego.

Shacbiga reer Sool waxaan u sheegayaa in ay duur joogtu tahay mid qiime aad iyo aad u weyn, in ay tahay quruxdeena iyo qiimaheena dalka. Haday nqoto Cawsha, haday noqoto Deerrada, haday noqoto Sakaarrada, haddii ay noqoto Harimacadka iyo Shabeelka, iyo nooc kastoo duur joog ah oo  ku nool gobolkaba, waa quruxdii gobolka. In aynu wada ilaashano ayaa muhiim ah”.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa ugu baaqay dadka sida sharci darrada ah uga ganacsadda duur joogta in ay ka waabtoobaan. Iyadoo qofkii lagu qabta isagoo arrintaasi faraha kula jira na sharciga la hor gayn doonno.

Guddoomiye C/kariin, waxa kaloo uu sheegay in ay gobol ahaan ka go’an tahay ilaalinta duur joogta, isagoona faray laamaha amaanka ee gobolkaasi ee ku shaqadda leh in ay ka shaqeeyaan ilaalinta ka ganacsiga sharci darradda ah ee duur joogta.

“Waxaan fariin u dirayaa dadka ganacsadda duur joogta, in ay ka waabtoobaan. Iyadoo qofkii lagu qabta na sharciga la hor gayn doonno. Gobol ahaana anagu waanu ilaalinaynaa, laamaha amaanka ee  ku shaqadda leh na waan farayaa. Waxaanan farayaa laamaha amaanka gobolka, in ay wax kastoo wax yeelaya duur joogta, in ay wax ka qabtaan” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sool.

Dhinaca kale agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, ayaa isna ka warbixiyay wacyigelintaasi iyo goboladda ay ka soo fuliyeen mudadda ay qabteen.

Waxaanu sheegay in wacyigelintaasi ay ka soo fuliyeen gobolladda Awdal, Gabiley, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Oodweyne, Saraar, iyo Sool oo ay maalintaasi joogeen, iyadoo wacyigelintaasi ay ku soo gebagabeeyeen gobolka Sanaag.

Waxaanu xusay in ay bulshadda goboladda lagu wacyigelinayay sidii ay u ilaalin lahaayeen duur joogta

“Waxaanu ku wacyigelinaynay bulshadda goboladda sidii duur joogta loo ilaalin lahaa. Sharciyadda iyo xeerarka ka dhan ka ah dadka ficiladda ku lidka ah kula kacaya duur joogta, in aanu isu-duweyaasha wasaaradda deegaanka ee goboladda dalka iyo ciidamadda kala duwan ba aanu u qaybinay.

Sidoo kale waxaanu kulamo iyo shirar la qaadanaynay askarta ka hawl galla Kaantarooladda Waddooyinka dalka, oo aanu ku wacyigelinaynay in gaadiidka marraya Waddooyinka in ay u sheegaan, in aanay duur joogta jiidh

Leave a Reply