Hargeysa (Dawan) Taliyaha guud ee ciidanka Qaranka ee Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa hanbalyo iyo boggaadin u diray dhammaan xubnaha ciidanka qaranka ee Somaliland, maalinta aasaaskooda awgeed.
Warqad warbaahinta loogu talo galay oo kasoo baxday xafiiska taliyaha soona gaadhay xafiiska wararka ee wargeyska DAWAN, ayaa u qornayd sidan: –
“Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu hanblayo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xubnaha ciidanka qaranka ee Somaliland, saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, dablayda iyo xaasaskooda meel kasta oo ay joogaan, isagoo ku hanbalyaynayaa munaasibadda sannadguurada 28aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka JSL, oo ku beegan 02.02.022, isagoo Ilaahay uga baryaya inuu ku gaadhsiiyo sannadkan sannadkiisa kale bash bash iyo barwaaqo.”