Wasaaradda Maalgashiga oo abaalmarisay shaqaalihii ugu hawlkarsanaa sannadkii tegay.

0
542

Hargeysa (Dawan)  – Wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha ayaa abaalmarisay shaqaalhii ugu hawalkarsanaa sannadkii tagay 2021.

Munaasinadan oo xalay ka dhacdey magaalada Hargeysa, oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin kala duwan, taasoo lagu abaalmariyey 28 shaqaale ah oo loo aqoonsadey inay ahaayeen shaqaalihii ugu shaqo wanaagsanaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Siciid Cismaan iyo Agaasime waaxeedyada wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Candirisaaq Jama, Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Aamina Xuseen, Gudoomiyaha Komishanka Maamulwanaaga Liban Buraale oo halkaas ka ayaa bogaadiyay shaqaalahaas loo soo xulay in ay sannadkii tagay muujiyeen daal iyo hawl-karnimo shaqo, waxxaanay u soo jeediyeen inay dadaalka halkaas ka sii wadaan.

Ugu dambayn wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdilahi Cabdiraxmaan Aare ayaa sheegay in talaabadni ay ka mid tahay dadaalada masuuliyiinta sare ee wasaaradaasi ay ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa shaqada wasaaradaasi qaranka u hayso, loona dhiiri-gelin lahaa hawl-wadeenada kala duwan ee ka hawl-gala wasaaradaas oo ku hawlan shaqo waxtar leh.

Leave a Reply