Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland, mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in saddexda bilood ee soo socda laga yaabo in dadka abaartu saameysay ay gaadhaan milyen iyo laba boqol oo qof gaadhi, haddii aan dadka ILLAAHEY raxmaadkiisa u Shubin.
Sidoo kale waxa uu xusay in dadka sida dhabta ay u taabatay dhibaatada abaartu ay dhan yihiin hadda sideed boqol iyo toban kun oo ruux.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dadkani ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah in lala gaadho, si loo samata bixiyo.
Guddoomiye Faysal oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Gobollo fara badan oo Somaliland ahbay saameysay abaartani, roobkii Gu’ga si fiican looma wada helin.
Guddi farsamo ayaanu u diray lixda gobol ee dalka, dhibaatada abaartu waxa ay saameysay 810,000 qof, oo qof una baahan kaalmo deg deg ah, lana filayo saadaashuna in milyen iyo laba boqol oo qof gaadho, saddexda bilood ee soo socda haddii ILLAAHEY aanu roob inoo shub”
Dadkan abaaruhu saameeyeen ayaa hadda guddida abaaraha Somaliland ku hawlan tahay sidii ay gurmad baad iyo biyoba leh u gaadhsiin lahayd.