Muftaaxa Gadhigiisa Ayuu Ilaabay!

0
232

Sanadkii 1963 ayaa dalka Maraykanka nin lagu xukumay 20 sano xadhig ka dib markii uu Bank ku yalaa dalkaasi dhacay. Markii xadhigii ka dhamaday ee la soo daayay muddo kuma noqon tuugada.

Laakiin sanadkii 2003 ayuu Bank ku yalla Virgina, Spotsylvania County ee dalka Maraykanka isku deyay inuu mar kale si farsamaysan u xado.

Laba Lacag haya ayuu ka dalbaday lacag iyaguna mid kastaa wuu sii siiyay dalabkiisa iyadoo aan sababta dhakhsaha ah la aqoonsan, markiiba jeebada ayuu ku riday dhowr kun oo doller ka dibna wuu ka baxay Baanka isagoo gaadhigiisa uu ku baxsan laha oo debedda yaallay doonayay inuu kaxaysto. Nasiib daro wuxu ogaaday inuu muftaaxi gaadhiga uu ku jiro gaadhiga gudihiisa, markaasi ayuu cararay markii uu arkay ilaalada baanka ee donaya inay qabtaan. Mid Ilaalada baanka ka mid ah ayaa bastoolad la soo baxay oo lugta ka toogtay tuugga.

Intaasi ka dibna waxa goobta yimi booliiska waxase yaab noqotay  markii maxkamadda la soo taagay oo dacawadii lagu qaaday tuugga ay ka dhib yarayd tii lagu qaaday labada ilaaliye ee baanka , oo iyaga lagu eedeeyay inay ku keceen isku day dil madaama aanay ahayn booliiska sharciga u lahaa inay rasaas ku furan qof kale oo shicib ah. Waxaana tuuga lagu qaaday kiis ah tuugo caadi ah.

 

Leave a Reply