Golaha Wakiillada oo Go’aamo kasoo Saaray Xaaladda Abaarta Dalka ka Jirta.

0
275

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa go’aamo kasoo saaray xaaladda abaarta iyo biyo la’aanta dalka ka jirtay.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somalialnd oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa waxa mudanayaasha golahaasi ay soo saareen lix qodob, oo ah sidii wax looga qaban lahaa abaarta ka jirta dalka Somaliland.

Qodobadaas oo soo gaadhay xafiiska wararka ee Wargeyska DAWAN,  ayaa u dhignaa sidan:

Qodobka koobaad, goluhu waxa uu wasiirka diinta iyo awqaafta u soo jeedinaya inuu faro imaamyada masaajidda dalka inay bilaabaan ducada qunuudda salaadaha faralka ah kaddib, sidoo kalena inuu iclaamiyo salaad roob doona, oo laga oogo dhammaan gobollada dalka.

Qodobka labaad, goluhu waxa uu xukuumadda u soo jeediyay in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha la sameeyana qiimayn joogto ah, kolba halka ay abaartu marayso gobollada dalka.

Qodobka saddexaad, goluhu waxa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah, bulshada caalamka iyo ururada Somaliland la saaxiibka ah, inay gurmad deg deg ah lasoo gaadhaan bulshada Somaliland ee ay saamaysay abaarta baahsan ee ku habsatay dhammaan gobollada dalka.

Qodobka afaraad, goluhu waxa uu ugu baaqayaa ganacstada Somaliland iyo shirkadaha maalgashaday dalka, inay si laxaad leh uga qayb qaataan gurmadka abaaraha, sidii caadada u ahayd.

Qodobka shanaad, goluhu waxa uu qurbojoogta Somaliland ugu baaqay inay qaybtooda ka qaataan gurmadka abaaraha, hoggaamiyayaasha bulshada iyo wakiilada dibadduna ay doorkooda ka qaataan.

Qodobka lixaad, golaha wakiilladu waxa uu kaga qayb qaadanaya gurmadka abaaraha qaadhaan dhan 50,000 oo dolar.

Dhanka kale, mudanayaasha golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay qodob ka mid ah xeerka shaqaalaha dawladda, oo ay kaabis ku soo sameeyeen golaha guurtidu qodobka afaraad ee xeerka shaqaalaha dawladda, kaasoo ay ogolaadeen 29 mudane, halka 9 ka mid ahina ay sidii hore ee goluhu ku ansixiyeen ay u codeeyeen, iyagoo lix mudanana ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna ma codeyn.

Sidaana waxa ku dhaqan galay xeerka shaqaalaha dawladda ee xeer lr 97/ 2021, kaasoo maray goleyaasha sharci dejinta.

Leave a Reply