Golaha Guurtida oo soo Gaba’gabeeyay Doodii Arrimaha Dhaqaalaha.

0
283

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa dood ka yeeshay arrimaha dhaqaalaha, gaar ahaan wax-soo-saarka beeralayda.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominayey guddoomiyaha golahaasi, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha golahaasi waxay ka doodeen, sidii beeralaydu ay kor ugu qaadi lahaayeen wax-soo-saarka guud ee dalagga beeraha ee dalka, iyagoo mudanayaashu ka dalbaday wasaaradda horumarinta Beeraha ee Somalialnd, inay la yimaadaan siyaasad cad, oo lagu hagayo, laguna horumarinayo beeralayda Somaliland.

Geesta kale, mudanayaaashu waxay talo ahaan xukuumadda ugu soo jeediyeen in dawladda Taywaan riigag biyaha u soo saara beeralayda dalka ay inoogu deeqaan, si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha Somaliland.

Gabo’gabdiina mudanayaasha golahasi waxay  soo gunaanadeen doodii arrimaha dhaqaalaha ee dalka ayaa ku xidhay soo jeedino mihiim ah.

 

Leave a Reply