Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland oo maanta baaq u diray, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.

0
484

Hargeysa (Dawan) – Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland ayaa maanta baaq u diray, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada inay ka qayb qaataan gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddida oo la hadlayay warbaahinta dawladda ayaa ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guud ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somalialnd Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, ayaa ku booriyay bulshada inay fogaadaan wixii macaasi ah ee keenaya inuu Ilaahay innoogu cadhoodo, isagoo ku baaqay in Ilaahay loo soo noqdo, isla mar ahaantaana la is wada cafiyo.

Dhanka kale, guddoomiyuhu waxa uu taageeray baaqii ay soo saareen Golaha Wakiillada ee Somaliland, kaasoo sheegayay in masaajidda dalka laga bilaabo qunuudda, salaadaha faralka ah kaddib, iyagoo u soo jeediyay wasaaradda diinta iyo aw qaafta inay iyaguna kaalinoodii iclaaminta salaadda roob doonta ay qaataan.

Gebogebadii, guddoomiyaha guddida wanaag farista ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada inay geestooda ay ka qayb galaan gurmadka ballaadhan ee loo fidinayo dadka ay abaartu saamaysay, ee dhinacyada biyaha iyo baadka. Guddida ayaa gebogebadii ku duceeyay inuu Ilaahay kasoo jabiyo abaarta dadka muslimiinta ah ee tabaalaysan.

Leave a Reply