Gudida abaaraha ee gobolka Sool oo gurmad biyo dhaamis ah ka bilaabay degmada Boocame ee gobolka Sool.

0
268

Laascaanood (Dawan) – Gudida abaaraha ee gobolka Sool oo kaashanaya Hayada Alayt ayaa gurmad biyo dhaamis ka bilaabay degmada boocame ee gobolka sool

gurmadka deeqdan biyaha ah oo dhan boqol iyo sideetan booyadood oo biyo dhaamintoodu socon doonto mudo shan iyo afartan maalmood

Munaasibadii xafladaasi ayaa waxa kasoo qayb galay gudida abaaraha ee gobolka Sool, isu duwayaasha wasaarada biyaha iyo caafimaadka, gudida abaaraha iyo Hayada Alayt. Maamulka degmada Boocame oo ka hadlay halkaasi ayaa si weyn usoo dhaweeyay deeqda biyaha ah ee la soo gaadhsiiyay deegaanka, taas oo ay sheegeen in loo keenay xiligii ugu haboonaa maadaama ay deegaanka ka jirto abaar saamaysay dad iyo duunyaba.

Saraakiil ka socotay Hayada Alayat oo iyana halkaasi dhankooda ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in biyaha la gaadhsiiyo dadka jilicsan, islamarkaa deegaaan ahaan ay garanayaan sida loogu kala baahanyahay.

Isu Duwayaasha Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Biyaha oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay deeqda biyaha ah ee hayadu ay soo gaadhsiiyay dadka ku dhaqan degmada boocame, iyagoo sheegay in hayada iyo gudida abaaraha ee heer gobol ay ku amaanayaan sida ay ugu shaqayanayaan dadkooda.

Gabagabdii waxa halkaasi cid kasta oo gacan ka gaystay deeqdaasi ugu mahad celiyay Maayir ku xigeenka Laascaanood Axmed Kuute dadka iyo dalkana Ilaahay uga baryay in uu abaarta kasoo jabiyo.

Leave a Reply