Heshiis afar-geesood ah oo laga gaadhay lahaanshiyaha iyo Maamulka Cable-ka Fiber Optic Somaliland

0
299

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiwali Sheikh Suufi Jibriil, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiis la xidhiidha horumarinta isgaadhsiinta JSL oo ay wada gaadheen Wasaaradda iyo Shirkaddaha Isgaadhsiinta dalka, kaasoo nuxurkiisu yahay wadaagista lahaanshiyaha iyo maamulka xadhigga Internet-ka Fiber Optic-ga.
Heshiiskan oo ah mid afar-geesood ah oo ay qayb ka tahay Xukuumadda Somaliland, kuna qotoma sidii saamileydu u wada maal-gelin lahaayeen horumarinta Isgaadhsiinta, gaar ahaan dhinaca Internet-ka, ayaa waxa wasiirku ku tilmaamay mid kobcinaya tayada iyo habsami-wanaaga adeegyada tiknoolajiyada.
Heshiiskan ayaa qorshihiisu soo socday muddo, iyadoo ay xukuumaddu ka shaqaynaysay sidii uu u hirgeli lahaa.
“waa u farxad wasaaradda inuu dhamaystirmay heshiis lagu wadaagi doono lahaanshiyaha iyo maamulka xadhigga Fiber Optic-ga, heshiiskaasoo ay wada gaadheen wasaaradda isgaadhsiinta iyo saddexda shirkadood ee ugu weyn xagga isgaadhsiinta.
Heshiiskaas oo nuxurkiisu yahay in xadhigga Fiber Optic-ga ee dhulka la hoos mariyo la mideeyo maalgelintiisa, la wada maamulo, isla markaana la wada gaadhsiiyo gobolada dalka oo dhan. heshiiskani wuxuu koobsanayaa xadhigii hore ee dalka yaallay iyo qaybaha cusub ee gobolada la gaadhsiin doono, heshiiskuna maanta oo uu dhacay laga bilaabo waa dhaqan-gal”ayuu yidhi.
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Cabdiwali Sh. Suufi Jibriil, ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sharaxaad ka bixiyey faa’idooyinka uu heshiiskani qaranka u leeyahay, waxaanu yidhi “faa’idooyinka uu keeni doono waxa kamida in la helo Internet xawaarihiisu aad u sareeyo, inuu kor u qaadi doono tayada adeegyada guud ee isgaadhsiinta, gaar ahaan Internet-ka, waxa kale oo uu Somaliland ka dhigi doonaa xarun Internet-ka u qabisa gobolka (Regional hub), waxa kale oo uu kor u qaadi doonaa tignoolajiyadda, Dhaqaalaha dalka oo aanu shacabka ugu baaqayno inay isticmaalka tignoolajiyada kobciyaan”
waxa kale oo kamida inay shirkadduhu u hogaansami doonaan shuruucda dawladda. waxa kale oo heshiiska kamida in laysu furi doono wicitaanka telefoonada Shirkaddaha Isgaadhsiinta”
Md. Cabdiwali Suufi Jibriil, wuxuu daboolka ka qaaday hannaanka uu ku dhisan yahay heshiiskani iyo wakhtiga uu dhaqan-gelayo “heshiiskani waxa uu ku dhisan yahay inay dawladda iyo ganacsatadu wax wada maal-geliyaan (Public, private partenership), kana wada faa’idaystaan kaabeyaasha kala duwan ee lacagta faraha badan ee lagu gelinayo, waxaanan aaminsanahay in heshiisyada nocoaas ahi saameeyaan qaybo badan oo kamida nolosha”ayuu yidhi.
Heshiiskan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga gaadho ganacsiga Isgaadhsiinta dalka, waxaana dhaqan-galkiisu noqonayaa bilowga geedi cusub oo ay waajahayso Isgaadhsiinta dalku, iyadoo uu qayb ka yahay deddaalada Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda ay khusayso.

Leave a Reply