Gudida gurmadka Abaaraha ee heer Qaran oo gobalka Sanaag ka Daah-furtey qaybinta Raashinka

0
211

Ceerigaabo (Dawan) Guddida abaaraha heer Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka daahfuray, barnaamijka taakuleynta dadka abaaruhu saameyeen.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag mudane Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in gurmadka guddida abaaraha heer Qaran ay soo gadhsiiyeen, in ay dhan tahay saddex kun iyo afar boqol oo qoys.

Guddida abaaraha ee heer Qaran ayuu uga mahad celiyay soo gaadhsiinta raashinka loogu tallo galay dadka sida ba’an abaaruhu u naafeeyeen.

Guddoomiye Axmed Cabdi Muuse, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Saddex kun iyo afar boqol oo qoys ayaanu bilaabaynta in aanu u qaybino waxa na soo gaadhsiisay guddida gurmadka abaaraha Somaliland.

Gurmadkii hore nooga soo gaadhay aad iyo aad ayaanu uga mahad celinaynaa, gurmadkii biyo dhaamiska ahaa.

Waxa kale oo aan jecelahay in aan xadido qoyskasta waxa gaadhaya saddexda kun iyo afarta boqol ee qoys, qoyskasta waxa gaadhaya, shub sonkor ah, shub bariisa, mid daqiiq ah, caagad saliida oo saddex litir qaad ah, iyo haaf timid ah”

Guddida abaaraha heer Qaran ayaa had iyo habeen ku hawlan sidii ay bulshada qaybaheeda kala duwan ee abaaruhu saameeyeen ay u gaadhsiin layeen cuno iyo cabitaanba.

Leave a Reply