150 Hawlwadeen ah oo ku Guulaystay qiimayn loo sameeyey shaqaalaha Maaliyadda

0
229

Wasaaradda Maaliyadda ayaa abaal-marino ku maamuusay 150 hawlwadeen oo ku guulastay tartan qiimayn oo laga soo kala xulay dhamaan waaxaha kala duwan ee Wasaaradda.

Hawsha soo xulista shaqaalahan ku soo baxay doorkan in la maamuuso ayaa in mudo soo socotay iyada oo loo maray habraacyada iyo halbeegyada u dejisan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo munaasibaddii abaalmarinta shaqaalihii loo aqoonsaday shaqo-wanaaga sannadkii hore ee 2021 hadal ka jeediyey ayaa sheegay, in waaxda horumarinta shaqaalahu iyadoo fulinaysa habraaca qiimaynta shaqaalaha ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxay Wasaaradu diyaarisay in foomamka qiimaynta wax walba iyo shaqaale walba lagu tababaro.

Wasiir xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalaha wasaarada maaliyadu wada gaadheen guusha lagu soo saaray dakhli ka badan ododroskii miisaaniyadda 2021.

Marwo Rooda ayaa sheegay in Wasaarada Maaliaydda laga sugayo hawl culus oo u baahan kasbashada dhamaan shacabka Somaliland, si aynu cashuuraha dalka u soo uruurinno.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in laba ujeedo kulankoodu leeyahay, mid mahadnaq ah iyo dhiirigelin. Waxuu sheegay inuu hambalyeynayo hawlwadeenada ku guulaystay tartankii qiimaynta shaqaalaha, waxuu kaloo hambalyeeyey shaqaalaha aan nasiibka u helin abaalmarinta, bals eshaqo aanay ku baaqan.

Dr Sacad ayaa sheegay in is-qiimaynta iyo is-dhiirigelintu qeyb ka tahay maamul-wanaaga, isagoo raaciyey in hadafkii sannadkii hore Wasaaradu dejisay, ee wax-waax ilaa shaqsi ay ku guulaysteen.

“Sannadkan hadaf aad uga sarreeya 2021 ayeynu dhiganay, duruufahuna way adag yihiin, roobabkiina way innagu yaryihiin, waxa loo baahan yahay inaynu dedaalkeenii saddex laabno.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Wasaaradu hayso shaqo adag oo la majeerto, oo ah uruurinta dakhliga. Waxuu u mahadceliyey cashuurbixiyaha sida hagar la’aanta cashuurta ku bixiya, waxuu kaloo ugu baaqay dadka kale inay ku dhiiradaan bixinta cashuuraha ku waajibay.

 

 

Leave a Reply