Baro 10 Faa’ido oo Laga Helo Cabida Biyaha Badan

0
2951

Qormada todobaadka ee Arrimaha Bulshada waxaan kaga hadli doonaa qaybo ka mida faa,iidooyinka kala duwan ee laga helo cabitaanka biyaha badan, iyo ahmiyada ay u leeyihiin caafimaadka dadka inaga oo ka war qabna in biyuhu yihiin nolosha oo dhan oo aanu qofna ka maarmin hadana waxaad mooda in dadka intooda badani aanay fahansanayn faa,iidooyinka caafimaad ee ku jira cabista biyo ku filan maalin kasta.

Hadaba  akhristoow Biyaha oo lacabaa waxay leeyhiin faa’idooyin badan waxana aan halkan kusoo gudbinaynaa 10 faa’ido oo muhiim ah kuwaaas oo laga helo biyo badan oo la cabo.

  1. Biyo badan oo la cabo waxay faa,iido u leedahay jidh dhiska iyo jimicsiga. Daraasad lagu sameeyay ragga iyo dumarka jimicsiga ciyaara waxaa lagu ogaaday in kuwa caba 2 koob oo biya ah ka hor jimicsiga inta aanay bilaabin ay helaan nashaad iyo jidh ka wanaagsan kuwa biyaha yar caba.
  2. Biyaha caadiga ah oo aad loo cabo waxay jidhka ka saaraan baruurta.
  3. Biyaha oo la cabo waxay keenaan adkeysi badanwaxaan lagu talinayaa in biyaha aad loo cabo lana cuno cuntooyin isku dheeli tiran waayo biyaha kaliya marka ay ku dhacaan caloosha oo madhan waxay keeni karaan lalabo ama yalaalugo badso biyaha hana moogaan in wax cunto.
  4. Biyaha yara kululmarka la cabo waxay jidhka ka saaraan sunta. Waxay kaloo hoos u dhigaan baruurta oo jirka ku badato.
  5. Biyaha qabow jidhka ayaa u baahan mararka qaar waa marka uu jidhku soo waajaho kuleel daran iyo marka ay jirto isbedelka cimilada kuleylka saa’idka ah.
  6. Biyaha oo la cabo waxay jidhka ka saaransunta gasha jira haku gasho raashiin inay u raacdo ama hawo ahaanba.
  7. Biyo cabida waxay shaafisaa 2-da kiliyadadood, waayo biyo ku filan haddii ay helaan kelyaha waxaa saafi noqda oo nadiifsama dhexdooda shaqadooduna waxay noqotaa mid wanaagsan.
  8. Biyo cabida waxay bur-buriyaanwalxaha adage ee gala kelyaha dhex fadhiista sidda quruuraxa iyo macaadinta isku dhex-aruursata kelyaha.
  9. Biyaha waxay caawiyaan wax badan u taraan jirka shaqadiisaiyo maqaarka kore ee oogada aadanaha waxay jirka ka saaraan laalaabmida.

Marka aad biyo badan cabto jidhkaaga waxa uu helayaa maqaar nadiif ah iyo muuqaal da’a yaraan ah iyo iftiin gaar ah.

  1. Biyaha oo aad laasimto waxay jidhka siiyaan nolol gaar ahiyo inay nooleeyaha unugyada jidhka helaan kuwii dhintayna biyaha ayaa nadiifiyo.

Biyaha oo la cabo waxay wax u taraan finanka ka soo baxa jidhka.

khubarada waxay sheegayaan in biyaha ay yihiin daawo ay dadka wada fahansaneen waxayna daaweeyaan cuduro badan sidda sokorta kolostaroolka, dhiig karka, sumowga jidhka, maqaarka, unugyada jidhka, calool istaaga iyo kuwa kaloo badan

Leave a Reply