Duqa Boorame oo Kormeeray Waddo cusub oo isku xidhaysa Magaalada Xaafada Keydka Biyaha

0
287

Boorame(Dawan)-Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame oo ay weheliyaan, xildhibaano ka tirsan golaha degaanka ee degmada Boorama, ayaa maanta soo kormeeray dhismaha jidka xaafada Kaydka biyaha ee bariga magaalada, oo dawlada hoose iyo dadweynaha ku dhaqan xaafadaasi ay iska kaashanayaan.

Jidkan oo hal kiilo mitir iyo sadex boqol oo mitir dherarkiisu dhan yahay ayaa noqonaya jidkii ugu horeeyay ee laami ah ee xaafadaasi yeelato, kaas oo sida la sheegay wax wayn ka tari doona isku socodka magaalada iyo xaafadaas.

Qaar ka mid ah duqayda xaafada Kaydka biyaha ee bariga magaalada Boorama oo halka ka hadlay, ayaa si wayn ugu mahad naqay, maamulka golaha degaanka ee degmada Boorama, waxaanay ku dheeraadeen wada shaqaynta kal iyo laabta ah ee golaha iyo maayarku u muujiyeen.

Waxa kale oo duqayda iyo wax garadkii halkaa ka hadlay ay si wayn u soo dhaweeyeen waddadan oo sida ay xuseen, noqonaysa tii ugu horaysay ee laami ah ee xaafadu yeelato, taas oo baahi wayn bulshadu u qabtay.

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Bulaale oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay iskaashiga xaafada iyo dawladda hoose ee suura geliyay dhisaha jidkan, waxaanu xildhibaan Yaasiin sheegay in hal kiilo mitir dawlada hoose dhisayso, taas oo qayb ka ah mashruuca JBLJ-ga ee sanadkan, halka sadex boqol oo mitir dadweynaha xaafadu iskaa wax u qabso kaga dhisanayaan.

Xildhibaan Yaasiin ayaa u mahad celiyay qaar ka mid ah gaadiidleyda iyo ganacsatada xaafada oo uu magacyadooda halkaa ka sheegay, kuwaas oo ka qayb qaadanaya dhismaha waddadan uguna deeqay qalab iyo dhaqaale kala duwan.

Gabagabadii Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame ka hadlay, ayaa talaabo wanaagsan oo dhinaca horumarka loo qaaday ku tilmaamay, dedaalka dadweynaha xaafada Kaydka biyuhu waddadan kaga qayb qaadanyaan taas oo ku dayasho mudan loona baahan yahay in xaafadaha kale kaga daydaan, waxaanu balan qaaday in maamulkoodu la shaqayn doono cid kasta oo wax qabsata

Leave a Reply