Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Mukhtaar Xaaji Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida ee Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan, gaar ahaan degmada sallexlay oo uu mudanuhu ka waramay in xukuumadu booyado biyo ah u dirtay degmadaasi sallexley iyo deegaanada hoos yimaadaba oo ay ka mid yihiin Ballimataan iyo Sabowanaag.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland ee dibadda inay geestooda ka qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka abaarta ku waxyeeloobay.