Laascaanood: Dawlada Hoose oo Fulisay Hawl-gal Lagu Hubinayo Nadaafadda iyo Bed-qabka Hudheeladda Cuntadda

0
476

Khaddar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Dawladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa shalay hudheeladda cuntadda ee magaaladaasi ka fulisay hawl gal lagu hubinayo bed-qabka nadaafadda meherradaha cuntadda laga cunno.

Hawl galkaasi waxaa fulisay waaxda arrimaha bulshadda iyo fayo-dhawrka iyo qaybta caafimaadka ee dawladda hoose ee Laascaanood.

Waxaana hawl galkaasi ay ku calaamadeeyeen dhamaan Agabkii aan ku haboonayn in wax lagu Kariyo ama lagu cunno ee ay ku soo arkeen meheradihii ay soo mareen.

Iyadoona ku Amray anay qashinka ku daraan Agabkaas oo aan Nadaafad ahaan iyo tayo ahaanba aan u wacnayn caafimaadka bulshada.

Shaqadan hawl galka nadaafadeed ah waxaa hogaaminayay agaasimaha waaxda arrimaha Bulshada ee dawladda hoose ee Laascaanood Jaamac Cali Xaashi iyo qaar ka mid ah shaqalaha waaxda Fayo-dhawrka iyo Caafimaadka.

Geesta kale ololahaasi waxaa lagu qab qabtay xubno ka mid ahaa shaqaalihii iyo mulkiileyaasha goobahaasi hudheeladda ah ee Nadafada Dharka iyo jidhkoodu aanu fiicnayn oo ka shaqaynayay Hoteeladaasi.

Waxaana hawl galkaasi lagu fuliyay Hudheelo gaadhaya in ka badan ilaa labaatan hudheel, iyadoona ay sii socon doonaan hawl galadaasi ilaa inta hudheelada iyo goobaha bulshada wax loogu kariyo la wada hubinayo bed-qabka nadaafadda aagabka ay ugu addeegaan bulshada reer Laascaanood.

Dhinaca kale masuuliyiinta ugu saraysa Degmada Laascaanood ayaa ku Amray inay talaabo ka qaadi doonan cidii u hugaansami wayda hawl galada iyo fayo-dhawrka laga waddo Hoteelada magaaladda.

Leave a Reply