Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Dib U Habayn Ku Samaysay Xarunta Kobcinta Dhirta Boorama

0
654

Daryeelka deegaanka iyo wax ka qabashadda xaalufka ku dhacay deegaankeena ee ay sababtay isbedelka cimiladu siyaabaha lagu soo celin karro waxaa ka mid ah in la sameeyo xarumaha xanaanaynta dhirta.

Iyadoo ay hore dalkeenna xiliyadii hore uga jir jireen goobo fara badan oo ahaa meelaha loo yaqaano xarumaha kobcinta dhirta iyo daaqa oo noocyo kala gedisan oo dhir ama geedo ah lagu beeri jiray.

Goobahaasi waxaa ka mid ahayd xarunta kobcinta dhirta iyo deegaanka ee Camuud, oo ku taalla duleedka magaaladda Boorama.

Xaruntaasi dhir kobcinta Boorama ayaa sodonkii sanadood ee u danbeeyay bur-bursanayd, isla markaana noqotay meel ay gawaadhiga loo yaqaano Iska-rogooyinku ay Ciidda ama Carradda ka qotaan.

Taasoo sababtay in gebi ahaanba ay beertaasi noqotay mid si weyn isku bedeshay oo uu ku dhacay nabaad-guur aad u balaadhan oo gaadhay xataa in meeshaasi ay noqotay mid aad is odhan karto beri bay beer dhir kobcin ahayd.

Hase yeeshee, wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo sanadahan danbe si weyn ugu hawlanayd sidii loo soo celin lahaa xarumihii dhir kobcinta iyo daryeelka geedaha ayaa dhawaan xaruntaaasi ka fulisay hawl gal wax lagaga qabanayo sidii xaruntaasi loo soo celin lahaa.

Hawl galkaasi oo ay u jeedadiisu ahayd sidii loo soo celin lahaa beertaasi oo bur-bur weyn soo gaadhay sodonkii sanadood ee u danbeeyay, isla markaana ay u noqon lahayd mid yeelato dhirtii badnayd ee lagu beeri jiray.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa hawl-galkaasi shaqo ee dib u habaynta ahaa ee wasaaradda deegaanku 1-dii bishan February ka fulisay kobcinta dhirta ee deegaanka Camuud, oo ku taalla duleedka magaaladda Boorama.

Waxaana hawl-galkaasi fulintiisa hogaaminayay isku-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee gobolka Awdal C/wahaab Xuseen Muumin, oo uu wehelinayay kormeerka wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal.

Marka la dhamaystiro wejiga labaad ee hawl-galkani dib u hagaajinta beerta Kobcinta Dhirta Boorama, waxa uu qorshuhu yahay in Xayn-daab ama Dayr lagu sameeyo beertaasi, si ay u noqoto mid ka bad-baadda dhibaatooyinkii hore u soo gaadhay.

Sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee gobolka Awdal C/wahaab Xuseen Muumin, oo ka warbixinayay hawl-galkani dib u hagaajinta beerta Kobcinta Dhirta Boorama.

C/wahaab Xuseen Muumin, ayaa ugu baaqay bulshadda magaaladda Boorama in ay xil iska saaraan sidii ay u ilaashan lahaayeen beertaasi.  “Waxaanu bilawnay wejigii labaad, ee shaqadda aanu ka qabanayo beerta Kobcinta Dhirta, oo ku taalla deegaanka Camuud, ee jaarka la ah jaamacadda Camuud ee magaaladan Boorama.

Iyadoo uu hawl-galkani fulinayo xafiiska wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee gobolka Awdal. Hore waxaanu uga qabanay Iska-rogooyinkii Ciidda ama Niista ka guran jiray beertani. Imika na waxaanu rejaynayaa oo aanu hawsheedda wadnaa, in aanu dhulkii Jeex-jeexyadda noqday hagaajino, oo aanu isku sinno, oo aanu buuxino”.

“Wejiga saddexaadna waxaanu rejaynaynaa in aanu Xayn-daab ku xidhno beertani. Maanta na (1-dii bishan February), waxaa ka shaqaynaya beertani laba Cagaf-cagaf.  Waxaana hawshani nagu gacan siiyay, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,

Waxaana la aasayaa anagoo environmental restoration samaynayna, deegaankani oo aanu doonayno in aanu sidiisii hore ku soo celino, dumina na Laagaha ka jeexmay beertani, oo muddo badan oo sanado ah dayacnayd.

Waanu ku dedaalaynaa wixii karaan kayaga ah, in aanu beertani ka shaqayno. Waxaanan rejaynaynaa in shacab weynaha ku nool gobolkan Awdal, in iyaguna qaybtoodda ka qaataan ilaalinta hantidani qaranka, haday beertani tahay, iyo haday seeraha magaaladda Boorama dhexdeedda ku yaalla tahay ba.

In ay dadku u dhego nug laadaan, oo ay la socdaan dhulka hantidda qaranka ah” ayuu yidhi C/wahaab Xuseen Muumin, isku-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee gobolka Awdal.

Sidoo kale kormeeraha wasaaradda deegaanka Somaliland u qaabilsan gobolka Awdal Mr. Carrab, ayaa isna ka warbixiyay hawl galkaasi shaqo iyo waxa uu qorshuhu yahay.

Waxaanu yidhi, “In aanu maanta (1-dii February) wejigii labaad ee beerta qaranka, oo ay wasaaradda deegaanku masuul ka tahay ee Camuud, in aanu wejigii labaad banayntiisii bilawnay, oo uu ku guulaystay isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee gobolkan Awdal. Aad iyo aad baanan ugu mahad celinayaa isu-duwaha oo ku dhiiraday inuu hantidda qaranka ilaaliyo”.

Geesta kale mid ka mid ahaa dadka ku dhaqan agagaarka deegaanka beerta xarunta kobcinta dhirta ee Camuud, ayaa isna ka dareen celiyay hawl galkaasi dib u habaynta loogu samaynayo beertaasi.

“Beertani, gawaadhiga Iska-rogooyinka ayaa in badan wax ka guri jiray. Laakiin, wax ka qabashadeedda imika aad baa loo hagaajiyay, oo uu isu-duwaha wasaaradda deegaanku u hagaajiyay. Dedaal badan baanu geliyay sidii beertani dib loogu soo celin lahaa.

Waxaanu maanta (1-dii February) soo geliyay Cagaf-cagafyadii oo ka shaqaynaya, oo dhirtii gabawday iyo dhulkii isku simaysa.

Markaa imika wixii ka danbeeya, waxay noqonaysaa beer-biyood haddii laga shaqaysto, oo wax laga beerro cid walba anfacaysa, oo qaranka anfacaysa, oo dadweynaha anfacaysa, iyo gobolka Awdal oo dhan anfaci doonto dadka jooga” ayuu yidhi mid ka mid ah bulshadda degan agagaarka beerta kobcinta dhirta Camuud ee magaaladda Boorama.

Dhinaca kale qaybta labaad ee qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa dood cilmiyeed ku saabsan isbedelka cimiladu saamaynta uu ku leeyahay abaaraha soo noq noqda oo ay qabatay wasaaradda deegaanka Somaliland.

Dood cilmiyeedkaasi la qabtay 07/02/2022-ka waxaa soo agaasintay wasaaradda deegaan ka iyo isbedelka cimiladdda.

taasoo lagu lagu lafo-guray saamaynta baaxada leh ee isbdelka cimiladu ku leeyahay Somaliland iyada oo waliba diirada la saaray abaarta soo noqnoqota waxaa saamayn balaadhan ku yeeshay isbedelka cimilada gar ahaan abaaraha soo noqnoqonaya oo ah natiijada kadhalatay isbedelka cimilada.

Dadka reer Somaliland waxa ay dhibane u yihiin isbedelka cimilada sababta oo ah noloshoodu waxa ay ku xidhantahay badqabka  Deegaanka iyo noolayaasha ku kor nool taas oo ay si ba’an u sameysey  isbedelka cimiladu.

Dhan kale Ka Somaliland ahaan manihin wadamada qiiqa badan hawada ku siidaaya sida greenhouse gas balse saamayn kulaylka aduunku saamayn badan ayuu inagu leeyahay. Kulan waxaa kaloo lagaga hadlay in kor loo qaado wcyigalinta isbadalka cimiladda.

 

Leave a Reply