Hargeysa (Dawan) Maamulka Biden ayaa ku boorinaya dadka Mareykanka ah ee ku sugan Ukraine in ay dalkaa uga baxaan 24 ilaa 48 saac gudahood, iyadoo uu maamulku sheegay in duullaan weyn ay Russia qaadi karto inta ay socdaan ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee Beijing.
La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Jimcihii sheegay in duullaanka Russia ay u badan tahay in ay ku jiraan duqeymo dhanka cirka ah iyo weerar lagu qaado caasimadda Ukraine ee Kyiv.