Sababaha Keena Kansarka Ku Dhaca Qanjidhka Ragga ee Prostate-ka iyo Sida looga Hortago

0
782

Hargeysa (Dawan) Kansarka borosteyt wuxuu ku dhacaa qanjidh kamid ah qanjidhada ragga kuwa ugu muhiimsan, qanjidhkan wuxuu ka hooseeyaa kaadi haysta waana qanjidh yar oo isku urursan, qanjidhkan wuxuu ragga u qabtaa shaqooyin muhiim ah oo ay kamid tahay inuu soo daayo qayb kamid ah dheecaanada shahwada ee ragga.

Qanjidhkan wuxuu kamid yahay xubnaha ugu nugul inuu ku dhaco kansarka raggu marka laga reebo kansarka maqaarka oo ah kansarka ugu badan ee ragga ku dhaca.

Kansarka ku dhaca xubintaan waa mid ku socda si tartiib ah ama aan lahayn xawaare sare oo uu ku koro ama durbadiiba ku fido waxaana laga yaabaa inuusan khatar saas u wayn yeelan badanaa, balse mar marka qaarkoodna wuxuu noqdaa mid dhib badan oo si xawli ku faafa hadaan ladawayn.

Astaamaha Kansarka Borosteytka

Maalmaha hore oo uu cusub yahay cudurkaan badanaa wax calaamadaa kama soo baxaan ragga uu haleelo, balse xilliyada danbe oo marayo marxaladaha ugu xun wuxuu yeeshaa calaamado ay kamid yihiin;

Kaadi badan waliba habeenkii

Kaadida oo bilowgeeda iyo istaajinteedu dhib noqdo

Kaadi mareenka oo daciifa

Kaadida oo ku gubta ama xanuun daran yeelata

Ma qanjidhka borosteytka ayaa ku waynaaday ayadoo aan xanuun jirin mise kansar baa ku haya?

Dadka qaarkiis way ku adag tahay inay kala saaraan in qanjidhku si caadiya u waynaaday iyo in uu kansar hayo, qanjidhka borosteyt-ku wuxuu awoodaa inuu waynaado ayadoo aan xanuun keenin waynaataas, waxayna tani ku xirantahay da’da ragu ay marayaan, taas micnaheedu waxaa weeye in haddii da’daadu sii waynaaato uu qanjidhkan waynaanayo.

Marka taas laga soo tago waxaa kaloo jirta xaalad kale oo aan kansar ahayn oo ku dhacda qanjidhkan taasoo ah in mar marka qaarkood hadaad taabatid kaadi haysta ama tuubada kaadi mareenka in aad dareentid calaamadaha lagu yaqaan marka kansarku haleelo qanjidhkan, balse nasiib wanaag xaaladani maahan kansar waxaana la dhahaa

Waxaa dhici karta in xaaladaan aan kansarka ahayn mar marka qaarkood, haddii ay taasi dhacdana ha walwalin maahan kansar waana wax sahlan oola dawayn karo.

Waxaa kaloo jirta xaalad saddexaad oo dhib ku keenta qanjidhkan balse aan kansar ahayn, waxaaan loo yaqaanaa borostatis.

Waa caabuq ku dhaca qanjidhka borosteytka kaasoo keena qandho iyo xannuun.

Maxaa keeni kara kansarka qanjirkan oo aadan awoodi karin inaad iska ilaaliso?

Da’ wayn waa mid kamid ah waxyaabaha sahla inuu kansar ku dhaco qanjidhkan, khaas ahaan marka da’daadu dhaafto 50 sano.

Cilmi baadhis la sameeyay ayaa sheegaysa in dhamaan ragga da’doodu dhaaftay 70 sano ay badanaa qabaan kansarka ku dhaca qanjidhka prostate-ka inkastoo ay kala sahlanaan karto xaaladoodu.

Reerkiina aad sinji ahaan kasoo jeedo oo dhaxal ahaan cudurkaan qabi jiray ayaduna waa mid kamid ah qodobada aadan awoodin inaad iska ilaalilo cudurkaan.

Nasiib wanaag waxaa jira waxyaalo badan oo keeni kara kansarka ku dhaca borosteytka oo laga hortagi karo:

Cuntadu waxay door wayn ka ciyaartaa soo if bixida cudurkaan, khuburuda caafimaadku waxay isku raaceen in badanaa wadamada laga cuno hilibka iyo caanaha subaga badan uu cudurkaan ku badan yahay, inkastoo sababta aan ilaa hadda si toosa loo cadayn haddana waxaa jira aaraa odhonaysa caanaha subaga badan iyo hilibka cas ama guduudan waxay kor u qaadaan cadadka dheecaanada raggu soo daayo taasoo keeni karta in qanjirka borosteytku uu soo saaro unugyo badan oo kansaraysan.

Sidoo kale cunooyinka aan lahayn ama aysan ku badnayn qudaarta iyo fawaakihdu waxay door kale ka ciyaaraan kansarka qanjirkan.

Waaxaa jira waxyaalo badan oo ay sameeyaan bulshada qarnigaan nool oo dadka qaarkiis u haystaan in ay keenaan kansarka borosteytka waxaa kamid ah waxyaalahaas; in aad xaaskaaga la samaysid galmo xadkeedu badan yahay iyo siigaysiga.

Sidoo kale waxaa socda wali baadhitaan lagu ogaanayo in qamriga, cudurada lagu kala qaado galmada, ama caabuqa ku dhaca qanjirka borostatis ay sababaan kansarka borosteytka

Ugu danbaytii baro oo isku day inaad cuntid cuntooyinkan kaa yaraynaya ama kaa ilaalinaya kansarka ku dhaca qanjidhka borosteytka sida:

Cuntooyinka isku dheeli tiran lagana ilaaliyay waxyaalaha wasakhda ah iyo waxyaalaha aan dabiiciga ahayn ayaa la ogaaday inay yihiin kuwo aad uu u sareeyo caafimaadkoodu.

Hadaba isku day inaad taas samaysid kadibna mar labaad isku day inaad joogtaysid cuntooyinka soo socda si aad uga badbaadid khatarta cudurkaan.

Xigasho: Daryeel Magazine

 

Leave a Reply