Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalliyada Jamhuuriyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa China maal gashan karo, laakin ay xaq u leedahay in ay xidhiidh la samaysato cidda ay rabto.
Muuqbaahiyaha laga leeyahay Taiwan ee TVBSNews, oo waraysi gaar ah la yeeshay Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa waydiiyey waxa ay Somaliland samayn lahayd haddii uu Shiinuhu Somaliland maalgashado, lakiin uu ku xidho in ay xidhiidhka u jarto Taiwan.
Wasiir Sacad Cali Shire ayaa ku jawaabay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa Shiinuhu maalgashan karo, laakiin ay iyadu leedahay go’aanka cida ay rabto in ay xidhiidh la samaysato.
“Somaliland waa meel u furan ganacsiga, oo cid walba ay ku soo dhawaynayaan, oo xataa Shiinuhu ku jiro. Illaa hadda go’aanadayada siyaasaddeed ee na khuseeyaa, waxa weeye ayaad saaxiib la noqonaysaa, waayo waxa aanu nahay qaran madax bannaan.” ayuu yidhi wasiir Shire.