Xildhibaan ku boogaadiyay Xukuumadda dadaallada ay ka samaysay Siyaasada Arimaha Dibada

0
529

 

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Mukhtaar Xaaji Maxamuud Diirqadhaadh oo ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku boogaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ka samaysay Siyaasada arimaha dibada.

Mukhtaar Diirqadhaadh oo Shalay u Warmayay Wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in meel fiican ay marayso Siyaasada arimaha dibada ee dalka,waxaana uu ku amaanay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska sida ay uga qayb qaataan Ictiraaf raadinta.

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa ay maraysaa meel fiican Siyaasada arimaha dibada Somaliland aad ayaanan usoo dhawaynayaa,waxaana aan hambalyaynayaa Wasiirka arimaha dibada Dr.Ciise Kayd oo isbadal muujiyay intii uu joogay.waxaana aan rajaynayaa in uu halkaa ka sii wadi doono, waxaana aan soo jeedinayaa in kor loo qaado Miisaaniyadda Wasaarada arimaha dibada si ay u helaan in dalal badan gaadhsiiyaan qadiyadda Somaliland baahida ugu wayn ee qaranka doonayaa waa aqoonsiga,waxa kale oo aan hambalyaynayaa Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska sidii ay uga qayb qaateen doodii Baarlamaanka Ingiriiska ka yeeshay Qadiyadda Somaliland oo ah guul inoo soo hoyatay,”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu soo jeediyay in la xoojiyo gurmadka abaaraha.Waxaana uu yidhi”Waxa dalka ka jira abaar baahsan waana in lays kaashado oo lays caawiyo,waana in wixii laga tari karo Sannadkan Misaaniydda dadkaa abaarta hayso laga taro,waxaana Xukuumadda usoo jeedinayaa in la xoojiyo gurmadka abaarta,waana ay ka mihiimsantahay gurmadka abaarta Doorashooyinka la hadal hayo ee lagu mashquulsanyahay.waxa ka muhiimsan dadkaa abaaruhu hayaan in loo gurmado,waayo waa dadkii cashuurta bixinayay ee Xoolihii ay ka soo hoyanayeen Maanta iyaga ayaa u baahan in wax lagu celiyo,”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in qiimo koradhka ku yimid Shiidaalka iyada dalka abaaro ka jiraan.Waxaana uu yidhi”Shiidaalkii wuu qaali garoobay iyada biyo dhaamis lagu jiro waa dhibaatooyinka dadka la soo darisay iyo sixir barar,qiimaha shiidaalka lagu iibinayo waxa uu ku xidhan yahay qiimaha lagu iibinayo Caalamka ka guddi dhaqaale ahaana waanu ka hawl galaynaa,”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply