Wefti ka socda Shirkadda GENEL ENERGY oo booqasho gogol-xaadh u ah soo-saarida Shidaalka Hargeysa Ku yimi

0
398

Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo ay weheliyaan xubno kamida agaasime-waaxeedyada Wasaaraddaasi, ayaa madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey wefti sare oo ka socda Shirkadda Genel Energy Isniinta maanta oo ay taariikhdu tahay 14/02/2022.
Weftigan ayaa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa dhaqaajinta iyo ka midho-dhalinta mashruuca sahaminta Shidaalka dalkeena oo ay hore qayb uga ahayd Shirkadda GENEL ENERGY hawlgaladii gobolada dalka qaar laga fuliyey.
Weftiga ayaa imaanshiyahiisa waxa lamaan hawlgelinta heshiis ay dhawaan wada gaadheen Shirkadda CPC oo laga leeyahay dalka Taiwan, taasoo ay xidhiidhisay Wasaaradda macdanta iyo tamarta Jamhuuriyadda Somaliland oo qaranka uga masuul ah maamulka iyo maareynta khayraadka Shidaalka, macdanta iyo tamarta.
Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo ka hadlay soo dhaweynta weftigan ka socda shirkadda GENEL ENERGY, ayaa sheegay in safarka masuuliyiintani gogol-xaadh u yahay dardar gelinta iyo daah-furka mashruuca shidaal qodista Somaliland.
waxaanu yidhi “waxaanu maanta halkan ku soo dhaweynaynaa wefti ka socda Shirkadda GENEL ENERGY oo uu hogaaminayo masuulkii ugu sareeyey hawlgelinta, waxaanay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa gogol-xaadhka qodista Shidaalka Somaliland oo aan rajeynayo inuu sanadka soo socda yimaado.
Inshalah waxaan rajeynaynaa inuu guulaysan doono mashruucaasi, shirkaddana gacmo furan ayaanu ku soo dhaweynaynaa
Mike Adams oo kamida masuuliyiinta weftigan hogaaminayey, ayaa sheegay in qorshaha socdaalkooda uu qayb ka yahay soo dhaweynta Shirkadda CPC oo ku soo biirtay mashruuca sahaminta iyo soo-saarida Shidaalka Somaliland.
masuuliyiinta Shirkadda GENEL ENEGY waxa ay intaasi ku dareen inay Wasaaradda iyo saaxiibada kale ee mashruucan la kaashan doonaan hirgelintiisa sanadaha soo socda.
Mike Adams ayaa yidhi “waxaanu somaliland ka shaqaynaynay muddo, laakiinse safarkaygan haddu wuxuu khuseeyaa sidii aanu u sii dhaqaajin lahayn hawshii aanu halkan u joognay iyo in aanu bilowno sidii aanu u sii ambo qaadi lahayn mashaariicdaasi, waxa dhawaan nagu soo biiray shirkadda CPC oo aanu ku soo dhaweynaynaa halkan, taasoo nagala shaqayn doonta sahaminta gaasta iyo shidaalka Somaliland. waxaanan rajeynaynaa in aannu si buuxda uga hawlgeli doono sahaminta iyo qodiska sanadaha soo socda”
Wasaaradda MT&M Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sanadihii la soo dhaafay hogaaminaysay hawlgalo looga gol-leeyahay sidii looga faa’idaysan lahaa khayraadka dihin ee dalku leeyahay, waxaana qayb ka ah mashruuca sahaminta iyo soo-saarida shidaalka oo hadda marxalad cusub gelaya.
Xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo warbaahinta WT&M

Leave a Reply