Wefti Uu Hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Sodaalka Somaliland iyo Safiirka Dalka Jabuuti ee Somalialnd oo Safar shaqo ku yimi Lawyo’caddo.

0
421

Saylac (Dawan)  – Wafti uu hoggaaminaayo taliyaha Ciidamada Socdaalka Somaliland, oo uu wehelinayo safiirka  Somaliland ee dalka Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ayaa Safar shaqo ku yimi Magaalo-xuduudeeda Lawyo-caddo.

Waftiga ayaa waxa halkaa kusoo dhoweeyey Gudoomiyaha Gobolka Selel, mudane Mawliid iyo madax-sare oo ka kala Tirsan laamaha Dawlada ee Gobolka Selel.

Waftiga ay hoggaaminayeen Safiirka iyo taliyaha ciidamada socdaalka   Somaliland Janaraal Dayib, ayaa waxay kulamo saacado socday kula yeesheen degmadaasi, ciidamada kala duwan ee jooga xudduudda Somaliland iyo Jabuuti u dhaxaysa, waxanay si weyn uga wada-hadleen fudadaynta isku socodka Badeecadaha u kala gudba labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti, iyo weliba Wada-shaqaynta labada ciidan ee dhinacyada amniga.

Si kastaba ha ahaatee, wada shaqaynta iyo saaxiibtinimada labada dal ayaa sannadba ka ka dambeeya sare u sii kacaya, kaddib markii ay sii laban laabeen labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya.

Leave a Reply