Gabiley: Maamulaha Kastamka Kalabaydh Oo Ka Warbixiyay Addeeg Bixinta Kastamka

0
382

Khadar Cabdi Muuse

Kalabaydh (Dawan): Maamulaha Kastamka cashuuraha ee Kala-baydh Cabdixakiin Muxumed Guuleed, ayaa ka warbixiyey adeegyada uu bixiyo Kastamkaasi, waxyaabaha ku cusub ee lagu soo kordhiyey iyo xadiga badeecadaha lagu cashuuro.

Cabdixakiin Muxumed Guuleed (Sooyaan), oo shalay u waramay qaar ka mida warbaahinta maxaliga ah waxa uu sheegay in dakhli soo saarka kastamku meel fiican marayo, lana fududdeeyey hannanka adeegyada Kastamka.

Maamule Sooyaan, ayaa intaasi ku daray inay cashuur-bixiyeyaashu ka helaan adeeg hufan iyo nidaaam daah-furan, isla markaana aanu jirin haba yaraatee wax caqabad ah oo ganacsatadda Qaadku la kulmaan.

Maamuluhu waxa kale oo uu meesha ka saaray in jaad aan soo marin kastamkaasi dalka soo galo, waxaanu sidoo kale iftiimiyey isbedelo cashuurta qaadka iyo baddeecadaha kale ah oo ay Dawladda Itoobiya dalkeeda ku soo rogtay, taasoo saameyn ku yeellatay nidaamkii uu kaga soo bixi jiray dalkaasi.

“Waxaa jirta xaalad guud oo iska bedeshay dhinaca dalka Ethiopia, waxaana dhacday in cashuurihii ay ka qaadi jirtay Qaadka, sida LC-ga oo kale ama waxyaabaha ay dhoofiyaan (export), ayay qaaliyaysay”.

Maamuluhu waxa uu beeniyay warar sheegaya in ay jiraan Qaadad dalka ka soo gallo meello kale oo aan lagu cashuurin kastamka magaaladda Kalabaydh. “Ma jiraan wax gaadiid ah oo ka baydhay kastamkan Kalabaydh. Laakiin, waxaa jira xaalad guud oo iska bedeshay xagga Ethiopia. Dadbadeedna taasi waxay keentay Qaadad markii hore soo mari jiray kastamkan Kalabaydh, in ay soo maraan isla kastamyo kale oo dalka ah.

Laakiin, anagu wax ay sababtay dawladda Somaliland ama ay wasaaradda Maaliyadu masuul ka tahay, oo ay kastamkan Kalabaydh uga leexdeen Qaadadkaasi ma jiraan. Laakiin, waa xagga Ethiopia xaaladaa dhinaca cashuuraha la qaaliyeeyay ee iska bedeshay.

Dabadeedna waxay Qaadleyaashii si ay cashuurta ay dawladda Ethiopia qaaliyaysay ay uga baxsadaan ayay soo maraan meello kale. Balse sabab xaggan Somaliland ah ama kastamkan Kalabaydh uu sababay oo ay uga leexdaan ma jirto”.

Geesta kale kastamka Kalabaydh oo ah Isha labaad ee uu ku tiirsan yahay dakhliga dhinaca cashuuraha ee Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan lagu qabto cashuurta Jaadka dalka looga soo dhoofiyo Itoobiya, ayaa sanadihii u dambeeyey la casriyeeyey adeegyadiisa.

Waxaana dhawaan la dhigay mishiin loogu talogalay Miisaanka badeecadaha, kaasoo fududeeyey shaqada kastamka.

Maamule Sooyaan, oo arrinta miisaankaasi casriga ah ee wasaaradda Maaliyadu keentay kastamka Kalabaydh oo shaqaalaha muruq maalku ka cawdeen wax laga waydiiyay ayaa sheegay in miisaankaasi ay leedahay wasaaradda Maaliyadu.

Waxaanu xusay in keenistiisu ay ka dhalatay kadib markii la dareemay in culays uu ka jiro hanaanka shaqo ee Qaadadka kastamka soo mara oo aa du fara badan, sidaas darteedna si culayskaasi loo kala fududeeyo in miisaankaasi la keenay.

Leave a Reply