Goalaha Wakiillada Somaliland Oo Galay Fasax Dhan Laba Bilood.

0
640

Hargeysa   (Dawan) – Xoghayaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay fasax ay golahaasi galaeen iyo arrimihii u qabsoomay kal-fadhigoodii dhawaan dhamaaday.

Xoghayaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in goluhu galay fasaxoodii caadiga ahaa ee u dhexeeyay labada kal-fadhi. Iyadoo fasaxaasina xildhibaanada u bilaabmay 15/02/2022, kuna eeg yahay 15/04/2022, taas oo dhan laba bilood.

Xoghaye Cabdirisaaq wuxuu xusay in mudadii kal-fadhigaasi dhamaaday arrimaha ay ku aynisixiyeen ay ka mid ahaayeen miisaaniyad sannadeedka 2022, xeerarka ilaalinta xuquuqda carruurta, xeerka xakamaynta ka gancsiga tahriibta dadka, ansixinta masuuliyiin qaran oo madaxweynuhu u soo gudbiyay iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah.

Ugu dambayn xoghayaha golaha wakiillad Somaliland Cabdirisaaq Siciid wuxuu tilmaamay in xildhibaanada golaha wakiilaada ee fasaxa galay ay fursad u heli doonaan in ay u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin degaanadii laga soo soortay, iygoo arrimaha ay kala soo kulmaana ay golaha warbixinb ka siin doonaan.

Leave a Reply